Shirkii Beesha Habaryonis uga socday Daallo oo la soo gunaanaday iyo goaamadii ka soo baxay oo la shaaciyay
Daallo July 17,2012(SDN)-Shir dhawr todobaad uga socday buurta Daallo beelaha Habar Yonis intii u dhexeysay June 29kedii ilaa july 17keeda oo maanta aheyd ayaa la soo gunaanaday isla markaana laga soo saaray goaamo wax ku oola.
Goaamada shirka oo dhameystiran ayaa u qoraa sidan;
1)- In Jiritaaanka iyo madax-bannaanida qarannimada Somaliland tahay lama taabtaan.
2)-Aasaaska jamhuuriyadda Somaliland wuxu ka dhashay heshiis-beeleedyadii Burco iyo Boorama ee kiu xardhanaa axdi-qarameedkii dhalay dastuurka J/Somaliland. Sidaas darted wada-hadallo kasta oo Somaliland la gasho Somalia waa in looga tashadaa si siman oo isu dheelli tiran dhammaan beelaha dega Somaliland waana in xukuumadda hadda jirtaa sio ballaadhan uga qayb geliso cid kastoo xaq u leh in ay wax ka ogaato wada-hadallada socda, islamarkaasna ay ka baaraan degto kana fiirsato ergooyinka ka qayb gelaya wada hadallada, lagana saaro mad-madowga si aan cid gaar ahi isaga maammulan masiirka dalka iyo dadka.
3)-Beelaha H/Y waxay ku baaqayaan in lasoo af-jaro shaqaaqooyinka iyo colaadaha ka aloosan degaanka Buuhoodle mid dhaqan iyo mid siyaasadeedba, lana baajiyodhiig danbe oo ka data dadka wada dhashay ee isku degaanka ah , islamarkaasna xal buuxa laga gaadho xiisadda kasoo noqnoqotay degaanka Seemaal. Xukuumadda JSL Waxa waajib qaran ku ah inay wax ka qabato tabashooyinka muwaaddiniinta deggan gobollada nabadgelyo darradu ka jirto islamarkaasna ka fiuirsato tallaabo kastoo keeni karta dagaal
4)-Beelaha H/Y waxay diyaar u yihiin in ay kaalin mug leh oo wax ku ool ah ka qaataan xallinta khilaafaadka iyo shaqaaqooyin kastoo ka aloosma meel kasta oo kamid ah JSL
5)-Beelaha H/Y Waxay usoo jeedinayaan xukuumadda jirta ee madaxweyne Siilaanyo in ay si siman oo aan eex lahayn ugu qaybiso beelaha Somaliland khayraadka dalka, horumarinta deegaanka, isu dheelli-tirka shaqaalaha dawladda, ciidammada qalabka sida iyo jagooyinka siyaasiga ah, waana in xukuumaddu ka xaqsoorto mashaariicda ganacsi ai aanay cid gaar ahi uga faa’iidaysan khayraadka dalka.
6)-Beelaha H/Y waxay usoo jeedinayaan xukuumadda jita in ay usoo jeesato waxka qabadka iyo horumarinta gobollada Sool, Sanaag iyo Oodweyne oo ay ka muuqato dayacaad fara badan oo kusaabsan kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulshada. Xukuumadda JSL waxa waajib qaran ku ah in ay xil iska saarto sidii looga saari lahaa miinooyinka ku aasan gobollo ka mid ah dalka JSL oo aan laga gurin miinada tan iyo intii dalka lagu soo noqday, waana in ay u fasaxdo hay’adaha mina-saarka in ay tagaan deegaannada miinaysan xsi loo badbaadiyo nafaha dadka iyo xoolaha ku dhaqan degaannadaas.
7)-Xukuumadda JSL waa in ay xaq dhawrto shacabkii soo doortay iskana jirto ku xadgudubka xorriyatul-qawlka islamarkaasna aanay cabbudhin ama caga juglayn ku samayn saxaafadda madaxa bannaan. Waxa kaloo xukuumadda laga rabaa in ay tixgeliso garsoor madax bannaan si loo helo caddaalad loo siman yahay oo lagu wada qanco.
8)-Beelaha H/Y waxay nabadgelyo kula noolaanayaan beelaha ay deriska yihiin ee JSL iyo dawlad-degaanka Somaalida ee Itoobiya waxaanay u diyaar yihiin in ay iska kaashanayaan horumarinta nabadgelyada iyo ilaalinta deegaanka.
9)-Beelaha H/Y waxay ku baaqayaan in la hirgeliyo dhismaha dekedda Maydh.
10) Beelaha H/Y waxay usoo jeedinayaan dawladda iyo beelaha Somaliland ee kaleba in layska kaashado hirgelinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaale sida waddooyinka isku xidha gobollada degmooyinka dalka Somaliland (Ceerigaabo—Hargeysa).
11)-Beelaha H/Y Waxay yeelanayaan guddi horumarineed oo lagu doortay shirweynaha beelaha H/Y ee Daalo magacoodana la yidhaahdo (Talo iyo Tawfiiq) taasoo hoggaamin doonta iskuna dubba-ridi doonta istaraatijiyadda waqtiga dhow iyo ta fogba ee danaha beelaha H/Y.
12)-Beelaha HY Waxay raadsanayaan xuquuqda kaga maqan xukuumadda jirta, iyagoo u maraya sifo sharci iyo wada-hadal hufan.
13)-Beelaha H/Y waxay dawladda iyo dhammaan beelaha kale ee Somalilandba ugu baaqayaan in gurmad deg deg ah loo fidiyo degaannada Awdal, Selel, iyo meelo ka mid ah gobolka Saaxil oo ay abaaro aad u baahsani ka jiraan.
SDN-Daallo
contact@somalidiasporanews.com