Shirkii Beelaha Gobolka Awdal oo Soo Gabo Gaboobay,War Murtiyeed laga soo saaray DAAWO
Hargaysa 27.Jan 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Deegaanka Dooxada Geb lagu soo Gabo gabeeyay Shir ay lahaayeen Beelaha Gobolka Awdal .
Shirkaasi ayaa waxa laga soo Saaray War-murtiyadeed ka kooban Tobban Qodob, Waxa lagu sheegay War-murtiyadeedkaasi in Qaranimada Somaliland tahay Mid Muqadas ah, isla Markaana Beesha Samaroon Midnimadeed iyo Wadda jirkeeda la Ilaaliyo, kana wadda Shaqeyso Horumarka Arrimaha Bulshada, Waxa kale oo ay Madaxweynaha Somaliland ugu baaqeen in uu Sidda ugu Dhakhsiyaha Baddan u Fuliyo Cabashadii ku Saabsanayd Saami-qaybsiga ee Gollaha Dhaqanka ee beesha Samaroon muddo Afar Billood ka hor u gudbisay oo ay sheegen in aan wali waxba laga qabban.
Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ka mid ah Salaadiinta Gobolka Awdal oo ka hadlay Qodobada iyo Go’aanada ka soo baxay shirkaasi Mudada Socday. Waxa uu hadalkiisa ku Bilaabay siddan. “Shirkii Maantanu Soo Gabagabeynay, waxanu Socday Muddo Shan Cisho ah, Shirkana Waxa ka Qaybgalay 200 oo Ergo ah oo ka kala socday Beesha Gada-buursi, Lakiin Gabogabadii Shirka waxa ku soo Biiray 100 Qof oo isku Jirra Salaadiintii Somaliland oo dhan, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Marti sharaf kale, Waxa Shirka ka soo baxay War-murtiyadeed waxanu ka koobnaa 10 Qodob, Balse waxa ugu Muhiimsana, Ilaalinta Nabadgelyada Somaliland gaar ahaana Gobolka Awdal iyada oo Maalmahan ay ka jireen Shaqaaqooyin kuwaasi oo keenay Nabadgelyo daro ah oo Magaalada Borama Rasaas ay ka dhac-dhacday, waxana laysla qaatay in wixii Nabbadgelyo darada keenay Meel looga soo wadda jeedsado, Waxa kale oo shirku Taageero weyn u fidiyey Jiritaanka Somaliland, in la Ilaaliyo Midnimada Beelaha Gadabuursi oo ay Danahooda gaarka ah Meel uga soo wadda jeedsadaan, waxa kale oo laysku waafaqay in laga shaqeeyo Horumarinta Arrimaha Bulshada Deeganka ay beeshu degto isla markaana la Dhiso Dekeda Lug-haya lagana wadda Qaybqaato, iyo In la Dhameystiro Waddooyinka Socda, kuwa aan la Bilaabina la bilaabo oo uu ka mid yahay jidka isku Xidha Borama iyo DJabuuti, Waxa kale oo Laysla qaatay in Nabbadgelyo lagula Noolado Beelaha kale ee Reer Somaliland ee Beesha Gada-buursi oodwadaagta ay la tahay, wixii Khilaaf ah ee dhex mara Beelaha kale in lagu dhammeeyo si Nabad ah, Shirku wuxu isku raacay in Saami qaybsigii ay Madaxweynaha u gudbiyeen Gollaha Dhaqanka ee Samaroon oo muddo Afar Billood ka hor ahayd oo aan wali waxba laga qabban, waxay ku dardaarmeen in sidda ugu dhakhsaha baddan arrinkaasi wax looga qabto oo uu Madaxweynuhu Fulliyo”Ayuu Yidhi Suldaan.