|

Shirkii Africa iyo Shiinaha Oo La Soo Gabogabeeyay iyo Ballanqaadyada China U Sameeyay Soomaaliya

Johannesburg,6Dec,2015(QJ/SDN)-Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxaa shalay oo sabti ahayd lagu soo gaba-gabeeyay kulankii u dhaxeeyay shiinaha iyo madaxda qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo jeediyay khudbaddii lagu soo xirayay kulankaasi ayaa sheegay in xiriir dhow oo dhex mara shiinaha iyo Afrika uu noqon doono mid ku saleysan iskaashi ay labada dhinacba ka faa’iideysanayaan.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jingpin waxa uu shaaciyay lacag gaareysa lixdan bilyan oo doolar oo lagu kabayo qaaradda Afrika, arrintaasi oo ay aad u soo dhaweeyeen madaxdii Afrika.

Haddaba shirkaasi iyo sida uu ku soo dhamaaday iyo danaha gaarka ah ee Soomaaliya ugu jiro waxyaabihii ka soo baxay kulankaasi waxaa BBC-da uga waramay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye oo sheegay in kaabayaasha dhaqaalaha, siiba tamarta laga taageerayo Africa.

“Shiinuhu wuxuu sameeyay balanqaad ah xagga nabad galyada, la dagaalanka dadka badda Somalia iyadoon loo fasixin ka kaluumaysta, wuxuu sameeyay balanqaad ah in baayac-mushtarka la xoojiyo, wuxuu balanqaaday in Somalia iyo China sidii ay hore isugu dhawaan jireen iskugu dhawaadaan, sida la og yahayna bishan 14-keeda kon sanno oo xidhiidh diblamaasiyadeed ah ayaanu leenahay China,” ayuu yidhi wasiirka khaarajiga Somalia.

Maadaama ay Somalia wadamo badan oo reer Galbeedku ka mid yahay faraha kula jiraan, iskana ilaaliyaan China ayaa wasiirka la waydiiyay bal in arrintaasi Somalia dhib u keenayso “ Dalka dhibaato uga imanaysaa ma jirto, dalku waa dal xor ah, dawladdu waa dawlad xor ah. Cidna ma diidanin, cidna kama soo horjeedno, cidii umadda Somalia oo muddo dhibaato ku soo jirtay wax u qabanaysa ayaanu la jirnaa, reer Galbeedku wax badan bay arrimaha Somalia ka soo qabteen, dawladda Shiinuhuna inteeda way ka qaban kartaa,” ayuu ku dooday wasiirku

Comments are closed