|

Shirkii 3aad ee Beelaha Daa’uud Ismaaciil Ciidagale oo Hargaysa Ka Furmay iyo Waxyaabaha laga Filayo DAAWO/SAWIRO

Hargaysa 10. January.2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa ka furmay Shirwaynihii Sadexaad ee Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) .

Waxaana Shirwaynahan ka soo qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray , Madax Dhaqameed , Siyaasiyiin , Dhalinyaro ,Aqoonyahan , Culimo iyo Marti Sharaf kale .

Ugu horeen waxa Shirwaynahaas ka hadlay Gudoomiyaha Shir Gudoonka Beesha  Khadar Maxamed Guuleed oo ku hadlayay afka Guddida Qaban qaabada Shirwaynaha waxaanu sheegay in ay dadaal badan oo qaatay muddo ku siman saddex bilood ay galiyeen  Sidii ay u hirgali lahayeen Shirwaynahan isla markaana ay maanta ku guuleesteen in uu  qabsoomo .

Waxaanu u mahad naqay cid walba oo kala shaqeesay qabsoomidda shirwaynahan isagoo tilmaamay in ay isuso dhaween ka dhex wadeen Guddiyo la iska soo daba magacaabay oo beesha ah iyagoo ugu danbeenna ku qanciyay in shirwaynaha Beesha si wada jir ah loo qabto .

Ugu danbeentii waxaa uu sheegay in Shirwaynahani uu Socon doono muddo laba cisho ah isla markaana lagu dooran doono Guddi Cusub oo horumarineed .

Gudoomiyaha Guddidii Hore ee Xilka Wareejinaysa Caaqil Rashiid Maxamed jaambiir oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo mareen waxaanu sheegay in ka shaqeeyeen Horumarka Deegaanka sida Dhismaha Waddada Cad .

Waxaanu Gudoomiyihii hore sheegay in Muddo xileedkii la doortay ay muddo dhaafeen isagoo kuwa ka danbeeyaa ee Guddida ah ku dardaaray in ay  iska ilaaliyaan Muddo kordhin kale .

Xoghayaha Guddida Dhismaha Waddada  Cad Faysal Cayuun oo halkaasi ka hadlay ayaa warbixin waafi ah ka bixiyay Dhismaha Waddada Cad iyo Maraaxilkii kala duwana ee ay soo martay , sidoo kale wuxu faahfaahin ka bixiyay qarashaadkii iyo wakhtigii la galiyay Dhismaha Wadadan isagoo sheegay in Wadadu Dhantahay 34 Km oo 10 Km oo ka mid ah ay Dhistay Dawladdu .

Waxaanu sheegay in Guddi ahaan  ay  diyaar u yihiin Xisaab celin ku saabsan Dhismaha Wadada Cad .

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Guddidi Hore ay ku talabsadeen Waxqabad isagoo kuwa danbena ku booriyay in ay dadaaal badan galiyaan sidii ay Beesha u gadhsiin lahaayeen Horumar Muuqdaa .

Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daaahir Cukuse , Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees , Xildhibaan C/raxman Dheere , XIldhibaan Dheeg oo dhamaantood halkaasi ka hadlay ayaa ka warramay isku duubnanta iyo wada shaqeentu qiimaha ay u leedahy Horumarka Deegaanka iyagoo ku dardaarmay in Beeshu noqoto mid isku xidhan oo isku meel u jiheesan .

Suldaan Aadan Xasan , Suldaan Cadde Gude , Suldaan Cawil Fiiqle oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay Guddidi Qaban qaabada iyagoo soo bandhigay Baahiyaha ka jiraa Deegaanka Beeshani ay dagto , waxaanay si isku mid ah u soo dhaweeyeen qabsoomidda Shirwaynaha Beesha iyagoo allena uga baryay in uu noqdo kii wax khayr qaba ka soo baxaan .

Shirwaynaha ayaa Maalinta Barri ah soo gabogabeesmayaa iyadoo lagu dooran doono Guddida Guud Ee Beesha Ee Labada Sanno ee soo socda Beesha u Noqon Doonaa Hogaan

sh1 sh2 sh3 sh4 sh5 sh6 sh7 50aea2de-6e66-4482-9646-9640d0e2d9e7 73a0e995-5309-44ae-9a30-68760a66b8e3 5449dbaf-ac49-472f-8eef-bae9ea8f239d 7515e852-bb23-4231-af07-1f57ddd07a33 66913363-97e9-4a58-aaa4-5fb91e8086a4 a81a95b3-cb3b-416e-9f03-6779afa5fd2f ab56ed98-70c6-4dd6-ba51-a7669a3edf55 c9e62447-faeb-4566-94ba-5d0844ba2e0a cc6784e6-0755-434a-9df7-2dd9495ad496 ddaed2db-8829-4664-a00c-c817189b1710 e2cd7ec0-ef78-4752-a04e-a6fb45fa5afe fb48ea28-848f-49d4-abbb-0d9b4059990c hk

Comments are closed