SHIRKIGA DEMBI MA AHA
In kasta oo markii la dhaho shirkigu ma aha dembi uu dadku yaabayo ayna ii malayn karaan nin waalan ama aqoon darro fara badani hayhso, haddana hadalku waa run biyo kama dhibcaan ah oo xaq ah. Mana aha hadal ka soo yeedhi kara aqoonlaawe ama ruux waalan. Waxaan u arkaa fikirkan aan qoray in uu yahay ugub waayo weligay culumo kala caddaynaysa shirkiga iyo dembiga ma arkin u malayn maayo in cid aragtayna jirto. Waxaa u sabab ah aqoon iyo garasho la’aanta diinta waa ku dhaqan la’aanta.
إِنَّ اللَّهَ لَا يَغْفِرُ أَنْ يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَلِكَ لِمَنْ يَشَاءُ وَمَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدِ افْتَرَى إِثْمًا عَظِيمًا(النساء 48).
Haddii aad u fiirsato aayaddan kor ku xusan waxay ka hadlaysaa in uusan Alle cafinayn haddii cid kale lagu sidko, hase yeeshee wixii aan shirki ahayn ee kale uu cafinayo ruuxii Alle wax ku sidkaana wuxuu abuurtay dembi culus. Halkaas waxaa laga garan karaa in wax aan shirki ahayni oo xumi jiraan Allena uu cidda uga soo laabta uu ka aqbalo toobadda.
Haddii aynu soo qaadanno aayaddan kalena waxaynu arkaynaa in iyada lafteedu lagula hadlayo addoomada Alle ee naftooda dhibaatada culus u soo jiiday loona sheegayo in aanay naxariista Alle ka quusan waayo Alle dembi oo dhan waa uu cafiyaa, lagamana dembi dhaafid iyo naxariis badna.
قُلْ يَاعِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنْفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِنْ رَحْمَةِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ(الزمر 53).
Halkaas waxaa laga garan karaa in labada aayadood midda hore meesha la lee yahay wixii shirkiga ka soo hadha waxaa loola jeedaa dembiyada ay aayadda dambe ka hadlayso. Waxaa dembiyada
Sidaas darteed shirkigu dembiga waa ka culus yahay toobadna ma laha. Marka haddii aan isku dayo in aan qeexo waxa loola jeedo dembi waxaan odhan karaa waa fal lagu jebiyey qodob sharci ah markaasna yeelanaya xad iyo xuduud. Waxaana ka mid ah dilka xaq darrada ah, sinada, tuugga iwm. Dhammaantoodna waa laga toobad keeni karaa. Markii qofka laga gooyo dembigii uu galay ee la xadka dembigaasi lee yahay la mariyo weeye toobaddu.
Laakiin shirkigu waa fal wax sharci ah oo la jebiyey jirin sidaas darteedna aan wax xad iyo xuduud ah lahayn. Waxaana ka mid ah in sanam la caabudo sanamna waxaan uga jeedaa wax kasta oo aan Alle ahayn oo loo hogaansamo. Waxaa kale oo ka mid ah shirkiga, istus-tuska iyo ha lagaa sheego wixii loo sameeyo, xanta, in dawlad la sheegto iyo in daacad loo noqdaba, kibirka iyo isla weynida iwm.
In kasta oo uu rasuulku sheegay in shirkigu yahay dhawr iyo todobaatan qodob haddana lama wada yaqaan sidaas darteed waxaan soo dhoweynayaa ciddii intaas aan sheegay wax ku darta. Haddii aan idiinku celiyo shirkigu waa fal xun oo aan qodob sharciah oo la jebiyey jirin. Waxaa loo baahan yahay in la ururiyo qodobada shirkiga, waayo waa arrin loo baahan yahay in laga feejignaado si aan loo toobad seegin.
Markii ay culumadu arkeen labada aayadood ee midi lee dahay shirkiga lama cafiyo oo toobad ma laha midda kalena uu Alle noo sheegayo in uu dembi oo dhan cafiyo ayay dheheen way is nasakheen labada aayadood. Marka haddii ay sidaas tahay wuxuu shirkigu yeelan lahaa xad qofkii sameeya la mariyo oo looga gooyo shirkinimadii uu sameeyey.
Sidii aan horay maqaalkaygii dawladnimadu waa mushriknimo ugu soo sheegay dawladdu waa dad xukuma dad iyo dal, xukumadaas waxay ku tusaysaa in uusan Alle dadkaas iyo dalkaas xukumin ee ay dawladdu xukunto, taasina waa shirkinimo waayo Alle ayaa si cad noogu sheegay in uu isagu xukun oo amar oo dhan iska lee yahay. In uu qof dad xukumaana xad ma laha sidaas darteed ayaan u dhahay waa mushriknimo. Marka ummadda Islaamka ah ee doonaysa in ay samaystaan dawlo, maxaa u diidaya in ay smaaystaan khilaafo Islaam ah, sidii khilaafadii Islaamka ee jiri jirtay. Waa run in arrin ugub ah oo ummaddu liqi karin in ay tahay laakiin haddii aad si buuxda ugu kuur gashaan macnaha ku jira maqaalkaygan iyo kuwii ka horreeyeyba waxaan hubaa in aad kala soo bixi kartaan in dawladnimadu tahay mushriknimo.
Haddii aan soo qaato xanta iyana waxaan ku sheegay shirkiga in ay ka mid tahay waana arrin dadku aad ugu badan yahay oo uusan dadku u arkin in ay tahay wax xun in kasta oo Alle iyo rasuulkuba noo sheegeen in ay la mid tahay iyada oo aad cunaysid walaalkaa dhintay hilibkiisii. Qisaastu waa in qofku wixii uu geystay loo geysto laguna xad gudbin. Marka haddii ruuxii qof ilig ka rida isaga ay noqotay in ilig laga rido, ruuxii qof xanta ma isagana la xantaa? Maya sidaas darteed ayaanay xanto u lahayn xad qofkii sameeya la mariyo kuna noqotay xantu shirki.
Kibirkuna waa shirki waayo in badan ayaa Alle iyo rasuulku nooga digeen kibirka nooc kasta oo uu yahay. Kibirku wuxuu kugu xambaaraa dembiyo iyo shirkinimoba sidaas darteed waa in laga fogaado. Rasuulkuna scw wuxuu sheegay in ruuxii uu qalbigiisa ku jiro saxar kibir ahi uusan jannada gelayn. Qof ayaa kibira, qabiil ama kooxna way kibri karaan, waxayna ku kibrayaan deeq Alle ee ma aha wax ay iyagu iska lee yihiin.
Waxaan jeclaan lahaa in culumadu ila soo xiriirto haddii ay maqaaladayda wacyiga ah ay u arkaan in wax iga qaldan yihiin e-mailkayguna waa sidatan. omer.shalaqo@gmail.com.
G/le Sare Omer Suleiman Ali 27/03/12