Shirkado Shidaal Baadhis Ka Waday Gudaha Puntland Oo Dawladda Federal-ka ahi Joojisay
Garowe:Feb,01,2015(SDN/QJ)-Mid kamid ah Shirkadaha shidaal Baadhista ka waday Gudaha Somalia, gaar ahaan Goobaha ay gacanta ku hayaan Maamul-goboleedka Puntland.
Shirkaddan joojisay Shidaal-baadhista, ayaa shirkadda Red Emperor, taas oo ah midda ugu weyn shirkadaha sahaminta shidaalka ka wadaa Dhulka Maamulkaas, waxana la aaminsan yahay in culays ka yimi xukuumadda Xasan sheikh.
Qoraal ay soo saartay shirkaddu ayey ku sheegtay in Shirkadu ay tixgalineyso go’aanka Wasaarada Tamarta ee dowladda Federaalka ee ahaa inaan Deegaanada Puntland laga sameyn karin wax Shidaal baadhis ah, iyadoo aan ogolaansho laga heysan DF Somalia.
Qoraalka shirkada ayaa waxaa lagu sheegay in Shirkada ay tixraaceyso hadal uu Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Soomaaliya, Daa’uud Bisinle uu ka sheegay shir ka dhacay London bishii October ee 2014.
Go’aanka ay shirkadaasi ku joojineyso shidaal baadhista, ayaa waxa ay dharbaaxo culus ku tahay Maamulka Puntland oo iyagu dhowr jeer oo hore ka dhego adeygay joojinta heshiisyada ay la galeyso Shirkadaha shisheeye.
Dhanka kale, tani waxa ay ka turjumeysaa awoodda federaal ee DF Somalia, iyadoona la filaayo in si tan lamid ah ay u istaajin doonto Gobolada kale ee ku howlan baadhista shidaalka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com