Shirkaddaha WorldRemitt iyo Adeegga Zaad Service ee Telesom oo iska kaashanaya hab fudud oo Qurbejoogtu lacagaha ugu soo diri karaan Somaliland, kadib go’aankii Barclays Bank
London 23, July 2013 (SDN)- Shirkadda xawilaadda lacagaha ee WorldRemitt oo dalal badan oo daafaha adduunka ku yaala ka shaqaysa, ayaa shaacisay inay bilawday lacag-diris cusub oo ay la kaashanayso adeegga Zaad service ee shirkadda isgaadhsiinta Telesom.
Madaxa shirkadda WorldRemit Dr Ismaaciil Axmed ayaa maanta magaalada London kaga dhawaaqay habkan cusub ee ay Qurbejoogta Soomaalidu lacagaha ugu soo diri karaan Somaliland. “Lacagaha habkan lagu diri karaa waa $1 ila $2,500 [ilaa laba kun iyo shan boqol oo doolar,” ayuu yidhi Dr. Ismail oo u waramay Telefishanka Horn Cable. Sidoo kale, wuxuu sharaxaad ka bixiyay qaabka lacagahaas lagu soo marsiin karo shirkaddooda iyo sida sahlan ee ay markiiba macaamiisha Telesom ee isticmaala adeegga Zaad service ku heli karaan.
Dhinaca kale, Maareeyaha shirkadda WorldRemit Sucaad Yuusuf oo maanta warbaahinta qaarkood kula hadashay magaalada Hargeysa, ayaa ka xogwarantay nidaamkan casriga ah ee dirista lacagah ee ay isu kaashanayaan WorldRemit iyo Zaad service ka Telesom.
Bankiga Barclays oo fadhigiisu yahay London, isla markaana shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida u saamaxayay in Qurbejoogta Soomaalidu eheladooda iyo axsaabtooda lacagaha u soo diri karaan, ayaa 10-kii bishan aynu ku jiro ee July si rasmi ah u xidhay ilaa 100 xisaabood (accounts) oo xawaaladduhu ku lahaayeen. Go’aankaas waxa naqdiyay shirkaddaha xawaaladdaha oo ay ku jirto Dahabshiil oo ah ka ugu wayn ee dirista lacagaha ee Soomaalida, sidoo kalena waxa xidhitaankaas cambaareeyay dawladda Soomaaliya iyo dhinacyo kale. Go’aanka waxa loo arkay mid dhaawacaya nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku tiirsan lacagaha ay eheladoodu dibaddaha uga soo diraan, iyadoo uu sida gaar ahna welwel ku abuuray guud ahaan Soomaalida ku nool Geeska Afrika.
Hase yeeshee, iskaashiga cusub ee dhexmaray shirkaddaha World Remit iyo Telesom, waxa uu sahlayaa inay macaamiisha leh telefoonka Mobile-ka ee Telesom ee adeegga Zaad Service ay si fudud ku heli karaan lacagaha lasoo marsiiyo WorldRemit.
Todobaad ka hor, shirkadda eServGlobal oo ka mida kuwa ugu horeeya shirkaddaha caalamka ee dhinaca lacagaha loo adeegsado Telefoonada gacanta (Mobile Money Transfer), ayaa shaacisay inay heshiis la gashay shirkadda Telesom, si ay adeeggeeda Homesend iyo Zaad service iskaga kaashadaan dirista lacagaha xawilaada Geeska Afrika.
Qurbejoog.com, Hargeysa