Shirkaddaha Petrosoma iyo Jacka Resources oo gudogalay hawshooda sahaminta Shidaalka Somaliland
Hargeysa 08, June 2012 (Qurbejoog.com)- Wefti ka socda shirkaddaha Petrosoma oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska iyo Jacka Resources oo laga leeyahay dalka Australia, ayaa socdaal ku tegay degaano ka tirsan gobolka Oodweyne ee Somaliland.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed xalay laga soosaaray socdaalkooda, weftiga oo uu hoggaaminayo madaxa shirkadda Petrosoma Maxamed Yuusuf Cali, waxay ujeedadoodu la xidhiidhaa sidii ay u dersi lahaayeen hawl Shidaal-baadhis oo ay doonayaan inay ka fuliyaan degaamo ka tirsan Somaliland, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Waxa maanta socdaal shaqo ku tegay Gobolka Oodweyne saraakiil kasocotay shirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resources si ay halkaa uga soo qabtaan shaqooyin gogol xaadh u noqon doona bilawga sahanka shidaal baadhis dhowaan laga fulin doono.
Weftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Petrosoma Maxamed Yuusuf Cali Gurey ayaa waxa si diiran ugu soo dhoweeyay tuulada Xaaxi masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh Yuusuf Ibraahim Geedi(Yamaarug) ,Gudoomiyaha Degmada Oodweyne Maxamed Cabdi Xaji Axmed iyo waxgarad kale oo tiro badan.
Weftiga iyo Masuulyiinta Dawlada ee Gobolka Oodweyne ayaa waxay kormeer ku soo mareen degaamada laga fulin doono hawsha sahanka waxayna weftiga u balan qaadeen inay gacan ka siin doonaan shaqada ay u socdaan taas oo ay ku tilmaameen rajo wanaagsan oo u soo korodhay Qaranka Somaliland.
Geesta kale saraakiisha ka socday dhinaca shirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resources ayaa iyaguna cadeeyay sida ay ugu faraxsan yihiin soo dhowaynta ay kala kulmeen masuuliyiinta iyo shacbiga ku dhaqan Gobolka,waxayna tibaaxeen in shaqada ay qabnayaan dhowaan bilaabi doonaan.
Waa markii labaad ee wefti ka socda labada shirkadood ay tagaan Degaamada Gobolka Daad-madheedh, tan iyo markii ay ku dhawaaqeen in hawlo shidaal qodisa ay ka fulinayaan somaliland.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com