Shirkadda Telefoonada Samsung oo gebi ahaan joojisay soo saarida Telefoonka Noociisu Yahay Galaxy Note-7,& Asbaabta Keentay
Hargaysa 11.October 2016 (SDN/QJ):- Shirkadda telefoonnada Samsung ayaa joojisay soo saarista telefoonkeeda nooca loo yaqaan Galaxy Note-7 oo ah noocii ugu dambeeyey ee ay soo saartay shirkaddu.
Talaabadan ayaa timid ka dib markii ay isa soo tartay hadal haynta fadeexad kale oo ku saabsan in noocii dambe ee lagu bedelay kuwii hore ay weli leeyihiin cilladdii betariga ee markii hore laga cabanayey.
Wakaaladdaha wararka Reuters iyo Yonhap ee Koonfur Kuuriya, ayaa soo xigtay saraakiil ka tirsan shirkadda oo sheegay in shirkaddu hakisay samaynta telefoonnada Note 7.
Warkani wuxuu soo baxay iyadoo laba shirkadood oo kuwa isgaarsiinta ah oo laga leeyahay dalka Maraykanku joojiyeen iibinta iyo beddelaadda telefoonada Note 7.
Shirkaddan Samsung ee laga leeyahay dalka Koonfur Kuuriya waxay hore u shaacisay inay suuqa ka saarayso telefoonnada noocan ah bishii Sebtember, waxay isla bishii borena macaamiisheeda u xaqiijisay in telefoonnada cilladii ku jirtay laga saaray oo iyadoon cabsi laga qabin la adeegsan karo.
Hase ahaatee waxaa soo baxaya weli warar sheegayay in telefoonadii la lahaa waa la hagaajiyay in mar kale lagu arkay isla ciladii hore ee aheyd qiiqida iyo gubashada beteriga.