|

Shirkadda SOMTEL oo kaalin wax-ku-ool ah kaga qayb-qaadatay Xuska Sannad-guurada 21aad ee Somaliland

 

Hargeysa, 20, May 2012 (SDN)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL oo inta badan ku suntan inay gacan ka geysata tebinta tooska ah ee munaasibadaha qaran, ayaa shalay si weyn uga qayb-qaataday inay bulshada Somaliland si toos ugu tebiso Xuska munaasibadda 18 May ee ku qabsoontay Beerta Xorriyadda iyo munaasibaddii caawa ee Aqalka Madaxtooyada Somaliland.

Shirkaddu waxa ay ka saacidday inay si toos ah u soo gudbiyaan munaasibadda afar ka mid ah telefishannada ka hawl-gala dalka kuwaas oo kala ah SLNTV, HCTV, UNIVERSAL TV iyo SPACE CHANNEL.

War-murtiyeed ka soo baxay xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee Shirkadda SOMTEL laguna xusay doorka shirkaddu ku leedahay bulshada iyo adeegyadeeda iyo weliba kaalinta ay ka geysato ka-qayb-qaashada in si toos ah loo daawado munaasibadaha Qaran, ayaa u dhignaa sidan:

“Shirkadda SOMTEL oo runtii ka mid ah shirkadda ka jira wadanka khaasatan dhanka ishaadhsiinta ayaa waxa ay si mugleh uga qeybqaadatay xuskii 18 May, iyadoo shirkadu si toos ah ugu soo gudbinaysay xafladda 18 May Maalin iyo Habeenba iyadoo shirkaddu ku quudinaysay tiraba 4 TV’s SLNTV, Universal TV, SPACE CHANEL iyo HCTV. Live Steaming (Daawasho Toos ah) oo Shirkadda SOMTEL oo ah shirkaddii ugu horeesay ee suurtagelisa in TV-yaddu u baahin karaan barnaamijyadda si  toos ah (live coverage) oo laga daawan karo caalamka dhammaantiis.

Bal aynu dib u yara milicsanno sannad ka hor iyo baahintii tooska ahayd ee shirkaddu ku sharaftay xafladdii 18ka May 2011 iyo labadii ku xigey ee ay nasiibka u heleen hawlwadeennada xafiiska qurbajoogga Somaliland (Somaliland Diaspora Agency) lana xidhiidhey xafladdii xagaaga iyo kii dood-cilmiyeedkii lagu qabtay jaamadda Hargeysa isla sannadkii 2011. Waxa intaas dheer, soo-tebintii Ciyaaraha ee garoonka kubadda cagta ee ALAMZEY Stadium ee magaalada Burco iyo doorkii muuqday ee shirkaddu SOMTEL u muujisey sida ay bulshada diyaarka ula tahay inay u gudbiso adeegyo waxtar leh iyo dhinaca technology-ga  casriga ah siiba Internet-ka iyadoo shirkaddu ku guulaysatey in ay si toos ah u quudiso tiraba afar TV iyo weliba Radio Hargeysa kuwaas oo isku waqti tebinayay geeddi-socodkii ciyaaraha gobollada Somaliland.”

War-murtiyeedka Shirkadda waxa lagu xusay inay u suurto-galisay telefishannada dalka inay si toos ah u tebiyaan munaasibadda 18 May ee Beerta Xoriyadda iyo munaasibaddii Caawa lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada oo ay si toos ah u gudbinayeen Telefishannada Horn Cable TV, Universal TV iyo Telefishanka Qaranka (SLNTV).

Shirkadda SOMTEL oo ah shirkad waddani ah ayaa inta badan ka qayb-qaadata hawlaha Arrimaha Bulshada ku lug leh iyada oo qayb laxaad leh uga qaadata adeegyada ay bixiso maal munaasibadaha waaweyn ee Qaranka oo ay warbaahinta Shaashadaha laga daawado ama Idaacadaha ku saaciddo in si toos ah loo socdo munaasibadaha ay gudbinayaan.

SDN

Comments are closed