Shirkadda SOMA OIL & GAS oo ka dhaadhicinaysa QM Heshiiskii ay la Gashay Soomaaliya
Muqdisho,21Aug,2015(QJ/SDN)-Shirkadda Soma Oil & Gas oo Dhawaan Heshiisyo la gashay Dowladda Somalia, gaar ahaan Wasaarada Macdanta iyo Kheyraadka ayaa dalbatay inay la kulanto QM si ay u cadeyso, isla markaana uga jawaabto edeymaha loosoo jeediyey oo muranka badan dhaliyey; taasoo ku saabsan heshiisyadeeda ay Somalia la gashay.
Waxaa shirkadda SOMA OIL & GAS madax ka ah Michael Howard oo horey u soo noqday Madixii Xisbiga Muxaafidka ee Britain; waxayna shirkaddiisa wadaa sidii ay bannaanka isaga marin lahaayeen eedeymaha culus ee loosoo jeediyey shirkadda Soma Oil & Gas oo gacanta ku dhigi doonta kheyraadka Somalia sidii ay u soo saari lahayd.
Codsigan loo diray Guddoomiyaha Guddiga Golaha Ammaanka ee QM, Rafael Dario Ramariez Carreno ayaan lagu sheegin inuu warqada codsiga kasoo jawaabay iyo in kale; iyadoo warkan lagu shaaciyay ama lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leeyihiin Shirkada Soma Oil & Gas, waxaana Warkaas lagu xusay inay ka walaacsan yihiin waxay ku sheegeen Fahamka Qaldan ee QM ee ku aaddan Ganacsiga Shidaalka iyo Saaliidda iyo weliba Heshiiska Somalia lala galay.
Maamulka Shirkada Soma Oil & Gas ayaa wada dadaalo ay ku cadeynayaan hawsha ay ka qaban doonaa Somalia ama guud ahaan ganacsigooda waxayna doonayaan inay saameyn culus oo wanaagsan inuu leeyahay heshiiska ay la galeen Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Soomaaliya ay isku Af-garteen qaabka loo wada-shaqeyn karo iyo fursadaha jira oo la filan karo.
Ugu dambeyn, Shirkado kale oo baarista shidaalka qaabilsan ayaa horay heshiisyo qaldan ula galay Dowladihii KMG-ka ahayd ee iyo maamullada ka jira gobollada dalka qaarkood.