Shirkadda Qaadka ee 571 oo Meel Adag iska Taagtay Weedho Xanaf lahaa oo ka soo Yeedhay Ganacsade Maxamud Jabuutaawi DAAWO
Hargaysa 07.July 2016 (SDN/QJ):- War saxaafadeedka ay shirkadani soo saartay oo ay kaga jawaabeysay iskagana difaacaysay eedeyn uu dhawaan ganacsadaha kale ee qaadka Miirooga Kenya ka ganacsada laguna magacaabo Jabuuti u soo jeediyay shirkadan qaadka ee Itoobiya hadaba warsaxaafadeedka shirkada 571 ayaa u dhingnaa sidan:
Aniga oo ku hadlaaya magaca maamulaha guud ahna milkiilaha shirkada qaadka Itoobiya ee 571 mudane xaaji Maxamed Ismaaciil Tarabi waxa aanu war saxaafadeedkan u soo saarnay in aanu idiin cadeyno eedeemo aan sal iyo raad toona lahayn oo uu nin ganacsade ah oo qaadka Miirooga loo yaqaano ee dalka Kenya kasoo dhoofiya laguna magacaabo Maxamed C/raxmaan Carraale (Jabuutaawi) uu kula dul kufay shirkada ugu balaadhan ee qaadka Itoobiya usoo dhoofisa dalka ee 571 taasoo muddo dheer dhul badan oo ay soomaalidu degto gaadhsiineysay qaadka.
Ganacsadahan oo si foolxun saxaafada uga weeraray shirkada 571 iyo milkiilaheeda ayaa eediisu u muuqatay mid la xidhiidha ganacsigiisa qaadka Miirooga oo uu sannadihii ugu dambeeyayba isku ballaadhinayay dhulkii ay shirkada 571 qaadka geyn jirtay oo haatan ay shirkadu ka bilowday hawlo lagu dardargalinayo adeegii qaadka isla markaana ay ku ballaadhineyso seyladihii ay qaadka geyn jirtay oo in muddo ahba isaga iyo kooxaha la jamaca ahi la wareegeen intii badneyd.
Haddaba waxa nasiib darro ah in ganacsadahan Jabuutaawi oo xaqiiqada ka cadheysiisay ay taas tahay in uu haddana boodhka isku qaso iskuna qaado fadeexado iyo gaf qaawan oo uu kula galgalsho shirkada 571 oo uu arkay inay tahay shirkada kaliya ee halista ku ah ganacsigiisa qaadka Miirooga ee uu ayaamaha kooban ka dhexwaday ummadda
Eedaha been abuurka ah ee uu ninkani ku weeraray shirkada 571 iyo milkiilaheedaba waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo xaqiiqada ka fog islamarkaana aanu u haynin wax cadeymo ah. Waxaa eedahaa dhagarta ah ee sida jaahilnimada ah ninkani ula soo fadhiistay saxaafadda ka mid ahaa, isagoo milkiilaha shirkadda ku sheegay inuu fidmo wade yahay si gaar ahna ugu eedeeyay shaqaaqadii deegaanka Gaashaamo ee dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo shaqaaqada kale ee iyaduna ka dhacday deegaanka Dharkeyn Geenyo ee ku dhaw magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee Somaliland
Been abuurka warkan waxaa cadeyn u ah in aanu marnaba mulkiilaha shirkadani raad ku yeelan karin fadeexadaha uu ninkani soo qaatay. Tusaale ahaan dhacdadii gaashaamo oo ku beegnayd 5tii June 2016 mulkiilaha shirkada ee uu ku eedaynayaa waxa uu ku sugnaa caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa isaga oo kasoo kicitimay halkaas 17, June, 2016 waxa ayna taas cadeynteedu taalaa madaarada Addi Ababa- Hargeisa iyo Shirkada dayuuradaha Itoobiya. (EITHOPIAN AIRLINE)
Haddaba shirkadda 571 waxa ay halkan ka caddeynaysaa in aanay marnaba ka hadhi doonin gefka iyo meel ka dhaca ribada ah ee uu dusha noogu saaray dunuubta intaa le’eg ee aan dhaqanka bini’aadminimada iyo islaamnimadaba ku jirin, annaga oo u aragna inuu falkani yahay mid dil ah ama crime ah oo aanu sharciga la tiigsan doono wax kasta oo ay nagu qaadato iyo meel kasta oo aanu ka dacweyn karno waa aanu ka dacweynaynaa. Shirkadu waxa ay sida u dhaqso badan ugu gudbin doontaa dacwadeeda hay’adaha garsoorka waxa aanan u qabsan doonaa looyaro waxaanan aaminsan nahay kuna kalsoon nahay sharciga iyo cadaalada oo aan ku kala baxno.
Sidoo kale waxa aanu halkan idiinku soo gudbin doonaa xogo iyo xaqaa’iq ku saabsan qaabkii iyo hanaankii ay shirkada 571 uga soo shaqeysay deegaanada kala duwan iyo halka uu ganacssadahan Jabuutaawi iyo jamaca uu horboodayaa ee Miirooga wataa cidhiidhiga u galiyeen ama ay gabi ahaanba meesha uga saareen qaadkii ay shirkadu geyn jirtay dhulkaas.
Haddaba si aanu idiin fahansiino qofka uu yahay Jabuutaawi idiinna siino warbixintiisa oo faahfaahsan u fiirso macluumaadkan. Hadii aanu nahay shirkadda 571 waxa aanu qaadka geyn jirnay muddo ka badan 10 sanadood gobolada ay ka midka yihiin Boosaaso Qardho Garoowe Gaalkacyo Sool, Sanaag iyo waliba Buuhoodle deegaankaas oo ah jiid aad u balaadhan
Haddaba waxa ay isweydiintu tahay sababma ayay u joogsadeen qaadadkii aanu dhulka intaa le’eg gayn jirnay goorma ayuuna joogsaday. Waxa ay istaageen qaadadkii aanu dhulkaas geyn jirnay anaga 571 iyo shirkadaha kale ee qaadka Itoobiya ka ganacsada markii uu dagaalka Miiroogu ka bilowday Boosaaso taas oo ku beegnayd March 2011
Sidoo kale magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa tan iyo markii ay taariikhdu ahayd bishii January 2015 qaadkaas oo ilaa maanta socda khasaare badana soo gaadhsiiyay dhulkaas iyadoo ay imaka mareyso in halkii 3500 kg qaadka Itoobiya aanu ka geyn jirnay aanu maanta geyno 500 kg waanad arki kartaan faraqa u dhexeeya halkaa
Meelaha kale sida Boosaaso oo aanu geyn jirnay ku dhawaad 6000 kg wuu istaagay gabi ahaanba taariikhdu markii ay ahayd bishii March 16, 2013
Buuhoodle waxanu geyn jirnay qaad dhan 2600 kg. oo qaadka itoobiya ah taas oo imika sii mareysa 600 kg.
Ceerigaabo oo aanu geyn jirnay 4500 kg. ayaa aanu maantana geynaa 2000 kg. oo qaadka Itoobiya ah waxaana hoos u dhacay in kabadan kala badh taas oo ay sabab u tahay qaadkaa Miirooga ah ee cidhiidhi galiyay suuqii qaadka Itoobiya aanu geyn jirnay oo uu qabsaday isagu kaas oo uu boqolkiiba sagaashan keeno ganacsadaha Maxamed C/raxmaan Carraale (Jabuutaawi) iyo dadka kale ee la jamaca ah
Maantana waxa uu hindisayaa inta hadhay iyo magaalooyinka aanu wali isku balaadhin sida Burco, Berbera iyo Hargeysa uu sidii kuwaa hore cidhiidhi u galiyo shirkadaha qaadka Itoobiya ka ganacsada ee aanu ka midka nahay kulana wareego qaadkiisa Miirooga ah ee uu Kenya kasoo dhoofiyo
Waxaa nagu maqaalaha in ninkaasi Jabuutaawi uu qaadkiisu xadka Itoobiya gudaha u galay oo uu imaka marayo Damco, Dameeracad, Wanaagsan, Mirqaan iyo Jarmalada waxana la sheegayaa inuu ku wajahanyahay Bookh iyo Gallaadi taas oo dhaawac wayn ku ah qaadkeena Itoobiya.
Waxaa nasiib darro ah maanta in uu ninkaasi uga faa’ideysto been abuuraan waxba ka jirin iyo eedeyn aanu cadeyn kareyn nakala dhex dhigo anaga iyo dowlad deegaankayaga soomaalida itoobiya iyo dowladayada federaalka Itoobiya isaga oo ujeedadiisu tahay dhulkii uu hore u qabsaday mooyeene inta hadhayna uu la wareego si uu u joogsado qaadka Itoobiya
Dadkuna way ogyihiin sababta ay anaga duulaanka noogu yahiin isaga iyo kuwa ay isku jamaca yihiin gaar ahaan hadii aanu shirkada qaadka ee 571 waxa aanu nahay shirkada kaliya ee difaacda seyladaha qaadka Itoobiya suuqaa balaadhana iyadu suurto galisay waana taas sababta uu noo bartilmaameedsanayo
Waxa aan ku soo gabagabeeynayaa Cidda aan kifaaxa kula jirnaa ee uu sheegayaa cid kale ma ahee waa isaga.