|

Shirkadda GOOGLE Oo Maraykanka Iyo Japan Siinaysa Internet Toban Milyan Oo Jeer Ka Xawaare Sareeya Ka Maanta Dunidu Isticmaasho

Washington 12.July 2016 (SDN/QJ):- Shirkadda Google, ayaa Dalalka Maraykanka iyo Japan u gaar yeeshay Internet uu Xambaarayo Xadhigga loo yaqaanno Fiber Optic, kaasi oo ka Xawaare sareeya ka Dunida inteeda kale isticmaasho.

 

Google signage seen at the company's headquarters in New YorkInternetkan loo gaar yeelay Maraykanka Iyo Japan ee uu sido  Xadhigga fiber optic oo Cabbirkiisa leeg yahay 60 -Tbps(terabits per second).

 

Internetkan uu sido Fiber Optic-gu ee loo gaar yeelay Maraykanka iyo Japan, ayaa wuxuu ka xawaaro badanyahay 10 million oo jeer ka dunida kale isticmaashi Maanta sida ay sheegtay Shirkadda Google

 

mashruucan ay maal gelisey shirkadda google waxaa ku baxday lacag gaadheysa $300 million

 

Xidhiggan xawaaraha badan ee qaadaaya internetka waa mid ka mid ah dadaalada ay ku jirto shirkadda Google waxaanay bilowdey in ay badda hoosteeda mariso xadhko qaada internetka tan iyo 2008, iyada oo ku bilowdey 7.68Tb haddana waxa ay u hoos mara waayir ah AFAR tuunbo badda hoosteeda.

Comments are closed