|

Shirkadda Diyaaradaha Jabuuti Oo Bilowdey Duulimaadyadeeda

Jabuuti,5Aug,2015(QJ/SDN)-Waxa Markii ugu horreysay duulimaad toos ah bilowdey shirkadda diyaaradaha Jabuuti oo dhawaan la asaasay, waxayna duulimaadyada ku bilowdeen kuwa xamuulka.

Diyaarada oo musalaftey sanadkii 2002-dii ayaa duulimaadkii ugu horreeyey ku tagtay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay geysey xamuul dhan 6 tan .

 

“Kani waa khadkii Jabuuti ka maqnaa, waxaanan u baahanahay shirkad qaran oo fulisa hiigsigeena” ayuu yidhi Abuubakar Cumar Haaddi oo ah guddoomiyaha dekadaha Jabuuti.

 

Shirkadda duulimaadka Jabuuti ayaa waxa dib usoo kabashadeeda gacan ka geystey shirkadda diyaaradaha ee lagu magacaabo Cardiff Aviation, waxayna duulimaadyada rakaabka bilaabi doontaa sanadka soo socda.

 

Shirkadda ayaa waxa ay hadda leedahay hal diyaarad oo kaliya, waxayse soo iibsan doontaa illaa 5 diyaaradood sanadkani dhamaadkiisa.

Comments are closed