|

Shirkadda Dahabshiil Oo Sii Wada Xawilaada Lacagta Kana War Sugaya Go’aan u dan ah Macaamiisheeda

HARGEYSA 18.10.2013 (SDN)- Garsooraha maxkamada sare ee UK ayaa laga sugaa inuu go’aan ka soo saaro todobaadka soo socda dacwad ay u gudbisay shirkada Xawaaladaha ee Dahabshiil, dacwadaasi oo ka dhan ah bangiga Barclays iyo xidhitaanka Account-ka xawilaada lacagta ee Shirkada Dahabshiil ay ku leedahay bangigaasi.

Sidoo kale Bangiga Barclays ayaa ogolaaday in uu sii furnaado Account-ka xawilaada ee Shirkada Dabahshiil inta ka horaysa go’aanka garsoorha maxkamada sare Md. Justice Henderson oo dacwada labada dhanba dhagaysatay arbacadii ina dhaaftay.

“Waxa aan ku faraxsan nahay oo aan macaamiisha Dahabshiil ha noqdaan shaqsiyaad ama NGO-yo kale oo aan u shaqaynaba’e ay shirkadu ka sii shaqayn doonto UK isla markaana aan sii wadi doono inaan lacagaha xawilno, illaa hada maxkamadu way dhagasatay dacwadayada, go’aanka garyaqaanka guudna waan sugaynaa, sidoo kalena wuu sii shaqayn doonaa Account-kii aan ku lahayn bangiga Barclays” sidan waxa yidhi masuul sare oo shirkada Dahabshiil ka tirsan.

Bangiga Barclays ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay ee xawaaladaha Soomaalidu ay isticmaalayeen kaasi oo bishii May ku dhawaaqay inuu joojinayo isticmaalka Account-kiisa ee shirkadaha xawaaladaha Soomaalida oo dhan 250 xawaaladood, kaasi oo ku sababeeyay xidhitaankiisa inay xawaaladuhu nidaamkooda lacag dirida ka dhigaan mid cad oo la fahmi karo.

Arrintan ayaa waxa si weyn uga qayliyay dad badan oo Soomaali ah oo ku nool UK, waxana sidoo kale ka soo horjeestay tallaabadan uu ku dhawaaqay bangiga Barclays dad caan ah oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo Mo Faarax, kuwaas oo dawlada UK cadaadis ku saaray sidii ay Bangiga Barclays ugala hadli lahayd inuu sii wado shaqada xawaaladaha.

Shirkada Dahabshiil ayaa iyadu ahayd mida kaliya ee u gudbisay maxkamada sare dacwad ka dhan ah Bangiga Barclays, dacwadaas oo salka ku haysayin Barclays ay ka faa’iidaysanayso suuqa xawaalada ee iyada u xidhan isla markaana ay ka been abuurayso sababta ay u xidhayso xawaaladaha Soomaalida.

Soomaalida ku nool UK ayaa sanad walba halkaasi ka soo dira lacag aad u badan oo lagu qiyaasay 100 milyan oo lacagta UK ah, taasi oo ay u soo diraan dalkoodii hooyo, waxana ay lacagtaasi tahay tiir iyo udub dhaxaad muhiim ah oo ay  nolosha dad badan oo Soomaali ah oo ay dagaalo wayeeleeyeen ku tiirsan yihiin.

“In bangiga Barclays gabi ahaanba xidho xawaaladaha Soomaalida waxa ay la micno tahay in dalka gudihiisa aanan dad badani heli doonin wax ay cunto siistaan, taasina ay horseedayso dhibaato kale oo gaajo iyo macaluul ah oo la soo darista dadka Soomaalida, caalamkuna uu lacag badan ku bixin doono,” ayay  tidhi hooyo da’a  ah oo ka dareen celinaysay arrintan.

“Dawlada Britain waxa ay doonaysaa inay shirikadaha Xawaaladaha kala shaqayso sidii ay u horumarin lahaayeen hanaankooda lacag dirista, isla markaana u samaysan lahaayeen hab cad oo ammaan ah oo lacagaha lagu xawilo. Sidoo kale arrintan sidii loo turxaan bixin lahaa waxa ay dawlada Britain kala shaqayn doontaa Bangiga Adduunka, waxana ay dawladu dadka ay arrintani khusayso ugu soo jawaabi doontaa sida ugu dhakhsaha badan” sidan waxa sheegay  masuul ka tirsan dawladda Ingiriiska.

Gabi ahaanba lacagta laga soo diro sanadkiiba dalka UK ayaa waxa lagu qiyaasay 15 bilyan oo lacagta UK ah, waxana ay 65% lacagtani si toos ah u tagtaa dalalka dunida soo koraysa, waxana ay arrintani ka dhigtay UK dalka u balaadhan ee lacagta ugu badan laga soo diro iyo suuqa ugu weyn ee xawilaada lacagta ee qaarada Yurub.

Source: theguardian.com

Hargeysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed