|

Shirkadaha Shiinaha oo Xoojinaya Joogitaankooda Afrika Iyo Sababaha Ku sii Nagaynaya

Nairobi 02. July 2017 (SDN/QJ):-  Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda McKinsey Africa ayaa sheegaysa in hawlgalada dhinacyada badan ah ee uu shiinuhu ka wado gudaha Qaarada Afrika ay ka badan yihiin sidii hore loogu malaynayey, maalgashiga uu ku leeyahayna laga yaabo inuu sadex laabmo tobanka sanadood ee soo socda.

Sida ku cad warbixintan xidhiidhka iskaashi ee Shiinaha iyo Afrika ayaa si xoog leh loo dardargeliyey tobankii sanadood ee u dambeeyey iyadoo ganacsiga dhexdooda ahina uu sanad walba kordhayey qiyaas u dhiganta 20%, taas oo macnaheedu yahay in aanu jirin dal kale oo dunida ah oo iskaashigiisa ganacsi ee uu la leeyahay Afrika uu gaadhay heerkaasi.

Warbixintan markii la samaynayey waxaa lagu ogaaday in illaa 10.000 oo shirkadood oo shiinays ahi ay ka hawlgalaan gudaha Qaaradda Afrika, waana qiyaas 4 jeer ka saraysa qiimayntii taa ka horaysay ee la sameeyey, waana shirkado 90% gaar loo leeyahay oo ka shaqeeya dhinacyo kala duwan.

Omid Kassiri, oo wadashaqayn la leh Hay’adda  McKinsey & Company ayaa waxa uu sheegay in shirkadahani qaaradda soo geliyaan maalgashi raasamaal adag leh iyo awood dhaqaale oo lagu tiirsanaan karo, arimahaasina ay qayb weyn ka qaadanayaan horumarinta dhaqaalaha soo koraya ee Qaaraddu leedahay.

Warbixintan waxaa daaha lagaga rogay xadiga uu le’eg yahay iskaashiga Shiinaha iyo Qaaradda Afrika iyadoo intii la ururinayey warbixintana la is dul taagay qayb kasta oo ka mid ah xidhiidhkaasi, waxii la ogaadayna waxay ahayd in Shiinuhu haatan yahay cududa dhaqaale ee ugu weyn ee la macaamisha Qaaradda, iskaashiga dhaqaalena la leh, laakiin arinta la yaabka leh ee la ogaaday waxay tahay in ka joogitaanka shiinaha ee Afrika uu intaa ka sii weyn yahay, isla markaana uu yahay mid qoto dheer oo wejiyo badan leh.

Tusaale ahaan waxyaabaha la ogaaday waxaa ka mid ah in 10.000 oo shirkadaha Shiinahu ay ka shaqaynayaan gudaha Afrika, waana qiyaas 4 jeer ka saraysa fikradii hore looga haystay.

saamayntii uu yeeshay dhaqdhaqaaqa Shiinaha ee gudaha afrikana waxa uu u muuqdaa inuu yahay mid hagaagsan, haday tahay dhanka shaqo abuurka, maalgashiga shisheeyaha ee tooska ah iyo isu gudbinta Tiknoolajiyadaba, iyadoo qiimaha baayacmushtarka  labada dhinac u dhexeeyaa uu haatan gaadhayo $180 billion  oo u dhigma (158.4 billion euros, lana filayo inuu sanadka 2025 gaadho $440 billion.

Isla warbixinta waxaa lagu ogaaday in cududa shirkadaha shiinaha ee Afrika ku sugan inay yihiin kuwo ka hawlgala dhanka wershadaynta oo wax soo saarka Afrikana wershadeeya, waxana shaqadoodu u dhigantaa 12% wax soo saarka wershadaysan ee Qaaradda Afrika iyagoo shiinuhu dhanka Afrika u soo raray awood wershadeed oo tayo leh.

Shiinuhu waxay ku han weyn yihiin joogitaankooda afrika, halkan oo ay ka heleen baahiyo aasaasi ah oo wax soo saarkooda loo qabo  iyo isticmaal faro badan.

Comments are closed