|

Shirkadaha Isgaarsiinta Caalamka oo Sheegay in aaney Dawlada Mareykanka u ogolaan Xogta Macaamiishooda

New York June 08,2013(SDN)-Ka dib kolkii ay soo baxday in ciidamada amaanka ee Mareykanku ay keydiyaan xogaha isgaarsiinta shirkada waaweyn ee caalamka ayaa waxa soo baxaya in shirkadaha qaar aaneyba la socon barnaamijkan.

Shirkada Apple ee soo saarta telephonada iyo computerada ugu caansan caalamka ayaa shaaca ka qaaday in aaney barnaamijkan garaneynba,cidii xogta macaamiishoooda dooneysana ay ka dalbadaan goaan maxkamadeed.

Shirkada adeegyada Internetka ee AOL ayaa iyaguna sidoo kale sharaxaad ka bixiyay sida ay xogaha ula wadaagaan dawlada sharciyan,oo waxa ay sheegeen in goaan maxkamadeed uun ay xogta ku bixiyaan.

Mar shirkada Facebook wax laga weydiiyay in ay xogta macaamiisheeda la wadaagto barnaamijka prism ayaa waxa ay sheegeen in xogta ay bixiyaan ay tahay uun mid ay hubiyeen isla markaana sharciga waafaqsan.

Shirkadaha Yahoo,Microsoft yo Google ayaa iyaguna gebi ahaan ka sinaa in aaney dawlada mareylkanka u ogolaan xogta shirkadahooda,ta macaamiishana ay bixiyaan uun hadii sifo sharci ah loo soo maro.

Ciidamada amaanka Mareykanka ayaa lagu eedeeyeeyay in ay heshiis kula galeen shirkadaha isgaarsiinta ururinta xogta macaamiishooda.

SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed