|

Shirkadaha Diyaaradaha ee Turkish Airlines iyo Qatar Airways ayaa hakiyay Duulimaadyadii ay ku tagi jireen Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (QJ) – Shirkadaha Diyaaradaha Caalamiga ah ee Turkish Airlines iyo Qatar Airways ayaa hakiyay Duulimaadyadii ay ku tagi jireen Garoonka Aadan Cadde Talaadadii shalay, kadib digniin amni oo ka soo baxday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Digniinta Mareykanka ayaa lagu muujiyay suurtagalnimada weeraro Argagixiso oo ka dhaca Muqdisho, sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo goobo kale.

Digniinta Mareykanka ayaa dhalisay walaac dhanka ammaanka ah, taasoo keentay in shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah ay joojiyaan duulimaadyadoodii Muqdisho muddo toddobaad ah, ayna baajiyaan tigidhada ay horay u goosteen.

Si kastaba ha ahaatee, Ethiopian Airlines, ayaa iska dhego tirtay digniintii Mareykanka, waxayna sii wadatay howlaheeda, waxayna noqotay diyaaradda keliya ee Caalami ah oo weli duulimaad ku ah Garoonka Aadan Cadde. Tani waxay muujisay awoodda ay shirkaddu u leedahay inay ku shaqeyso xaalado adag oo xasaasi ah.

Duullimaadyadii gudaha iyo diyaaradaha ee gobollada, sida Uganda Airlines, waxay sii wateen hawshooda sidii caadiga ahayd. Shirkado diyaaradeed oo ay ka mid yihiin:

Daallo Airlines

African Express

Freedom Airlines

Jubba Airways

sidoo kale waxay ilaashadeen jadwalkooda caadiga ah, si la mid ah shirkadaha dayuuradaha yaryar ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa si joogta ah u soo saara digniino dhanka ammaanka ah oo ku wajahan muwaadiniintiisa iyo diblomaasiyiintooda ku sugan Muqdisho, waxaana caadi noqotay in digniinahaasi la soo saaro bilowga iyo dhamaadka bisha Ramadaan sanad walba.

Waxaa xusid mudan in 11-kii bishii April ee sanadkii hore ay safaaradda Mareykanka ee Nairobi soo saartay digniin dhanka ammaanka ah, iyadoo ay xigtay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, taasoo keentay in la xiro garoonka diyaaradaha, lana adkeeyay ammaanka caasimadda.

Iyadoo weerarada Argagixiso aysan inta badan dhicin digniinta Mareykanka, ayaa hadana Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA iyo Hay’adaha kale ee amaanka waxa ay ku guuleysteen fashilinta weeraro dhowr ah oo Al-Shabaab ay la beegsadeen Xarunta Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Leave a Reply