|

Hargaysa: Shirkadaha Adeega Korontadda oo Shaaciyey inay Hoos u dhigayaan Qiimihii ay Markii hore ay ka qaadi Jireen Bulshadda DAAWO

Hargaysa 27. January, 2016-(SDN/QJ) :– Shirkadaha Adeega Korontada Siiya Caasimadda Hargaysa ayaa Maanta Shaaciyey in 30 Bishan January ay Bulshadda u soo Bandhigi doonaan Qiimo ka Jaban kii ay hore uga qaadi Jireen dadka Isticimaala Laydhkooda.

Hadalka Shirkadaha ayaa ka danbeeyay kadib Kulan ay Wada Yeesheen Wasaaradda Ganacsiga iyo Shirkadaha Adeega Korontada u fidiya Caasimadda kaas oo looga gol lahaa in mar hadii uu Jabay Sarifka Dollarku ay Waajib tahay Sidii hoos u dhac ugu Iman lahaa Qiimaha adeega Korontadda.

Comments are closed