|

Shirkada Somcable oo iskaashi dhexmaray Shirkado Caalamka ugu horeeya Isgaadhsiinta & hirgelinta hanaan Internet casri ah

Austin 10.Jan 2016 (SDN/QJ):– Gudoomiyaha shirkadda isgaadhsiinta SOMCABLE Mr. Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday inay hawlgelinayaan hanaan intenet ganacsi xawli sareeya, ka dib heshiis dhexmaray laba shirkadood oo caalamka ugu horeeya bixinta adeegaa.

 

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed ku saabsan higelinta adeegan cusub ayaa lagu sheegay in shirkada SOMCABLE oo kaashanaysa shirkadaha Alepo iyo Airspan si rasmi ah u hirgelisay adeeg cusub.

 

SOMCABLE waxay diyaarisay adeeg internet casri ah dhinaca tiknoolijiyada iyo soo rogitaankiisu sareeyo (LTE-Advanced Network), lana socdo adeega fiber (GPON) oo sahli doona in shirkadu u fidiso adeeg xawli ah dhinaca mobilada iyo noocyada kale guud ahaan macaamiishooda qoysaska iyo ganacsiyadaba.

 

Gudoomiyaha shirkada SOMCABLE Cabdiraxmaan Maxamed Siciid oo ka hadlayey heshiiska dhexmaray shirkada Alepo iyo Airspan iyo qorshahooda ayaa sheegay inay u taagan yihiin horumarinta nolosha muwaadiniinta Somaliland, waxaanu yidhi,

 

“Somcable waxay u taagan tahay horumarinta nolosha muwaadiniinta Somaliland, una diyaarisay adeega ugu wanaagsan, uguna casriyeysan isgaadhsiinta,” ayuu sheegay Mr. Maxamed. Isagoo raaciyey.

 

“adeega LTE-Advanced ee shirkadaha Alepo iyo Airspan waxuu noo sahlayaa sees aanu ku balaadhin karno inaan gaadhsiino suuqyada isgaadhsiinta si gobolku u tisqaado.”

 

Iskaashiga shirkada Alepo, Somcable waxay ku abuuri doona qorshe dakhli ka helaan dadka shaqo-la’aanta ah iyo ardayda qoysaska, shirkadaha yaryar iyo dhinacyo kale adeegyo internet ay sii bixiyaan.

 

“iskaashiga adeega 4G LTE-Advanced ee Alepo iyo Airspan waxuu fure u noqon doona koboca suuqyada isgaadhsiinta casriga,” ayuu sheegay  Henrik Smith-Petersen, Gudoomiyaha iibka Airspan. Isagoo raaciyey. “la shaqeynta Alepo, waxaan ku gaadhsiin doona adeegbixiyeyaasha hanaan dhamaystiran uu ka muuqda suuqyada isgaadhsiinta.”

 

“Alepo way ku faraxsan tahay awooda iskaashi adeega 4G ee dhexmaray Airspan,” ayuu sheegay Dan Stern, Gudoomiye-xigeenka iibka Alepo. Isagoo raaciyey. “Maadama saaxada isgaadhsiineed ee shirkada Somcable horumarayo, waxaan ku kalsoon nahay inay bixin doonaan adeeg aan lagula tartami karin suuqyada.”

 

Hanaankan Internet-ka casriga ee shirkada Somcable soo kordhisay ayaa wax weyn ka tari doona baahi weyn oo macaamiisha adeegan isticmaala  u qabeen helitaanka adeeg xawaare sareeya oo casri ah.

Comments are closed