Shirkada Shidaalka ka qodeysa Puntland oo adkeysay amaanka ceelasha
Dharoor Mar 06,2012(SDN)-Shirkada shidaalka ka qodeysa degaanka Puntland ee Africa Oil oo xarunteeduna tahay dalkan Canada ayaa shaacisay in ay kor u qaaday amaanka goobaha ay shidaalka ka qodeyso.
Shirkada ayaa tilaabadan qaaday ka dib kolkii ay kooxda Al Shabaab shaacisay in ay qaadacday hawlaha shidaal soo saarida.
Africa Oil ayaa shaacisay dhawaan in ceelasha shidaal ee Dharoor ay ku jiraan keyd shidaal oo dhan ilaa 5 billion oo foosto.
Shirkadan shidaalka Baadheysa ayaa sheegtay in kharashka is difaacu yahay mid aad u sareeyay balse uu saamiga shirkadu aad kor ugu kacay intii la shaaciyay keydka shidaal ee ceegaaga Dharoor.
Africa Oil ayaa qoratay shirkad dhinaca amniga ku caana iyo meliishaad degaanka ah oo gacan siiya.
Sidoo kale waxa gacan amniga ka siiya shirkadan ciidamada Puntland oo aaga la geeyay.
Kooxo degaanka ah oo diidanaa shidaal baadhida oo hore dagaal ugula jira Puntland ayaa dhawaan shaaciyay in ay ku biireen kooxda Al Shabaab.
SDN-Dharoor