|

Shirkada Maalgashiga Kalluumaysiga ee Pontus Marine oo Hargaysa laga furay iyo Wasiiro ka hadlay

Hargaysa 02.Sep 2013 (SDN)- Shirkamadda Casriga ee  Pontus Marine LTD, oo dalka ku cusub kana shaqayndoonta soo saarida kalluunka dibadahana u iibgayndoonta  ayaa lagu daahfurey magaalada Hargeysa.

1munaasibadii furitaanka shirkamadda Pontus Marine LTD, oo ahayd mid si qurux badan loo soo diyaariyay ayaa ku qabsoontay shalay hotel Ambasador magaalada Hargeysa, waxa ka soo qay galay, gudoomiyaha golaha guurtida, wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland, wasiir kuxigeeno, agaasimayaal
 
Masuuliyinta  Shirkadda Pontus Marine LTD, Salaadiiniyo iyo xubno kamida ganacsatada dalka iyo marti-sharaf.
2Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland. Xirsi X.Cali Xasan oo si-rasmiya u daah-furey shirkadan ayaa sheegay xukuumad ahaan ay soo dhawaynayaan cidii maalgashi ku samaynaysa dalka waxaa soo jeediyay in la taageero islamarkaana la soo dhaweeyo dowlad iyo shiciba maalgshiga dalka . “xukuumad ahaan waa soo dhawaynayaan cidkata oo maalgashi ku samaynaysa dalka iyo cidkasta oo gacan ka gaysanaysa horumrka dalka iyo shaqo abuurka dhalinyarada , waa ayaan daro dhulkeena oo khayraadku buuxo dhalinyaradeenuna tahriibayaan, isma qabanayso in lays hortaago hirgalinta  warshad sibidh iyo shirkadaha batroolka inoo soo saaraya hadana ladoonayo in wax laqabto”.ayuu yidhi wasiirka madaxtooyada Xirsi X.Cali Xasan
3Wasiirka wasaarada kaluumaysiga  Md. Cali Jaamac Faaraxa Buureed,  ayaa dhankiisa sheegay in bulshada Somaliland wali aanay fahmin sida looga faa’iidaysto kaluunka iyo kahyraadka badaha islamarkaana ay ku mashquulsan yihiin waxyaabo debada laga soowaarido, waxaanu yidhi, “bulshada wali may fahmin sida looga faa’iidaysto kaluunka waxaanay ku mashquulsan yihiin waxyaabo debada laga keeno, kaluunka dalkeena lagu cuno waxaa laga keenaa Xamar Somaliya waa fursad aynu dayacnay wax soosaarka kaluunka dalka wax uu dalka kamarayaa 2.5, markaa  waxaan ganacsatda ka codsanayaa inay ku dhiiradaan kaganacsiga kaluunka”.
4Wasiirka wasaarada warfaafinta, wacyi-galinta iyo dhaqanka C/laahi Maxamed Daair Cukuse, oo munaasibadaasi furitanka ka hadalay hadalkiisa kubilaabay sidan, “munaasibadan waa mid ka duwan kuwii siyaasada lagaga hadlayay, waxaynu kaga hadlaynaa qayb muhiim ah oo dalka iyo dadkaba  anafac u leh waa wax soosaarka iyo wax wada qabsiga iyo sida aynu ula soo bixilahayn khayraadka dalkeena, waxaana ku amaanayaa masuuliyiinta shirkada siday ay marka oo dalka yimaadaan ay ula yimaadaan wax wada qabsi”. Ayuu yidhi wasiirka warfaafinta, Md C.laahi Cukuse,
Gudoomiyaha shirkadda Pontus Marine LTD, Maxamed Yuusuf Cali, oomunaasibadaas ka hadlay ayaa sharaxaad mugleh ka bixiyay habka shirkadda u shaqayn doonto iyo sharciyada xaga saamiga taasi oo uu cadeeyay in ay u furan tahay muwaadiniinta inay saami ku darsadaan.
Gudoomiyaha shirkadda Pontus Marine LTD, waxa uu tilmaamay in baddeena ay dul heehaabayaan kalluun dunida ugu qaalisan isagoo kumanaan nooc ka kooban balse ay dadkeenu ka qatan yihiin oo kumanaan kun oo tan oo dalalka dibadda laga keenaa ay dalka soo galaan sanad walba taasina ay tahay mid inagu waajib ah in aynu ka gilgilano islamarkaana laga faa`idaysano khayraadka dalkeena.
5Agaasimaha shirkadda Pontus Marine LTD Axmed Abokor oo halkaasi ka hadlay, ayaa dhankiisa sheegay inay shirkaddani noqon doonto mid ka hawl geli doonta Somaliland oo ay xarumeheedu noqon doonaan magaalooyinka Maydh iyo Berebra, isla markaana ay sheerer ku yeelan karaan dadweynaha reer Somaliland, iyada oo sheerka ugu yar ee laga geli karaa uu yahay $500 Dollar oo dalka dadka jooga ah halka ay dadka dibedda joogaan ku geli karaan sheerka lacagta ugu yar $1000 Dollar.
Agaasimaha shirkaddan, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay hadda hayaan intii badnayd lacagtaasi oo laga doonayo in la helo lacag ka badan 5milan oo Dolar, waxaanuu xusay xarumo ka fureen dhamaan magaaloouyinka waaway ee dalka oo dhan.
 Shirkaddan Pontus Marine LTD,  oo dalka debaddiisa u iib geyn doonta sayladaha caalamka Kalluunka Somaliland ayay u qorshaysan tahay inay la tartansiiso kalluunka dinuda,  waana shirkadda nooceedu dalka ku cusub yahay isla markaana la filayo inay kor u qaado ganisiga kaluunka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed