|

Shirkada Indho Deero oo Shaacisay inay Furayso Qayb Xawaaladeed {DHAGAYSO}

Hargaysa 07.July (SDN)  Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa laga Furay Dhisme loogu magac daray Indho deero Group Mol kaas oo ka Kooban Konton Meheradood oo Ganacsi.

Mudane Mustafe Indho Deero oo Madashii Furitaanka Dhismahan ka hadlay ayaa uu sheegay in dhismahan oo ku yaalla badhtamaha caasimadda uu ka qayb qaadanayo horumarinta labo arimood oo muhiim ah sida hagaajinta muuqaalka bilicda magaalada iyo shaqo abuurka dhalinyarada, imkastoo aanay DEERO-GROUP ku koobnayn dhismahan oo keliya laakiin ay ka hawlgasho guud ahaan Somaliland.

Mustafe Indho Deero Waxaa kale oo uu daboolka ka qaaday inay dhawaan furi doonaan Shirkad Xawaaladeed oo ka hawl gasha dalka iyo dibadiisa isla markaana isu rogi doonta inay u shaqayso qaabka Baananka Ganacsi.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MUSTAFE7.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed