“Shirkada Genel Energy ugama ay bixin Somaliland Nabadgalyo daro,Darajadii Ciidanka Booliska Khalad ayaa ka dhacay” Wasiir Warancade {DHAGAYSO}
Hargaysa 07.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa ku Tilmaamay Sababta ka bixista Shaqaalaha Ajaanibka ah ee Shirkada Sahaminta Shiidaalka ee Genel Energy inaanay la xidhiidhin Wax Saamayn nabadgalyo Xumo ah oo Somaliland ka taagan waxaanu xusay in Maalinta Beri ah ay Kulan la leeyihiin Madaxda Sare ee Shirkadaas si ay Xog uga Helaan Go’aanka ay kaga baxeen dalka .
Wasiirku waxaa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyin ay Shacabku ka Tirsadaan Hawl galada ay Sameeyaan Ciidanka ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee RRU,Mudane Warancade waxaa kale oo uu Jawaab ka bixiyay Cabashooyin ka soo baxay habkii darajo bixinta ee Ciidanka Booliska oo Tabasho badani ka soo yeedhayso.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa Sidaa ka Sheegay Mar ay Maanta Su’aalo furan weydiiyeen Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Somaliland
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka Dhagayso Su’aalihii Wasiirka Arrimaha Gudaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Su’aaloWarancade17.mp3″]
Hargaysa SDN.