|

Shirkada DP World Berbera Ee Maamusha Deked Berbera Oo Qalabkii Ugu Casrisaana Keentay Dekeda SAWIRO

Berbera 16. June 2017 (SDN/QJ):- Qalabkii ugu horeeyey ee casri ah oo soo gaadhay dekeda Berbera Kadib Markii Shirkada DB World Berbera ayaa keentay qalabkii ugu horeeyey oo isugu jiray qalabka culus ee hawsha socodsiiya kuwaasi oo kamid yihiin

 

Cagafyada loo yaqaan Caterpiller Forklift ee lagu qaado alaabaha culus ee loogu talogalay in la rago ama la daabulo sidoo kalena lagag shaqeeya fududaynta alaabaha loo baahan yahay in dekeda laga dhoofiyo ama laga soo deniyo

Waxaa kale oo kamid ah qalabkaasi lix xabo kamid ah biraha lagu xidho dekeda horumaray kuwaasi lagu xidho wiishaanta culus ee koontiinerada lagu rogo waxayna sheegeen maamulka Dp World Berbera inay qalabkaasi hordhac uyihiin qalab casri ah oo keenidoonaan waxayna tilaamameen inay qalabkaasi ka keenen wadamada america iyo sidoo kale dalka spa in.

Waxay sidoo kale kamid ah qalabkaasi taayarada loogu talogalay gaadiidka culus ee kamidka yihiin cagafyada iyo tareelayaasha ka shaqayn doona Dekeda Iyo waliba Sparpartskii loogu talogalay inay qalabkaasi ku shaqeeyaan iyo kuwo ay Dekedu Ubaahan tahay maadama ay horumar balaadhan ku talaabsanayso mustaqbalka dhow loona baahan yahay in hab casri ah loo qalabeeyo Dekeda si ay ula jaan qaado Dekedaha Caalamiga ah

DB Berbera ayaa ku hawlan bilihii ugu dambeeyey horumarka Dekeda iyo sidoo kale kor uqaadista aqoonta shaqaalaha qalabaynteda iyo adkaynta dhinaca maamulka.

Comments are closed