|

Shirkada Dahabshiil oo Guul Hordhaca ah ka Gaadhay Dacwadii u dhaxaysay iyaga iyo Bangiga Barclay’s

London 05.Nov 2013 (SDN)- Maxakadda Sare ee Britain ayaa ku amartay bangia in aanu marba joojin karin adeegga uu hayo Dahashiil, taasoo ka dhigan in macaamiisha shirkadda ay awoodi doonaan inay sii wadaan inay lacagaha ugu diraan eheladooda ama ay sii wadaan maalgashiga iyo dib u dhiska dalkooda.

Bangiga Barclay’s ayaa horey u qorsheeyay inuu joojiyo adeegyada uu u fidiyo xawaaladaha Somalida, gaar ahaan Dahabshil, ka dib markii ay soo baxeen walaac dalalka reer galbeedku ay ka qabaan lacago la isdaba mariyo.

Shirkadda Dahabshiil ayaa ah tan ugu balaaran shirkadaha xawaaladaha ee Somalida, waxaana ay si gaar ah ugu adeegtaa ilaa iyo 100,000 Somali ah oo ku nool dalka Britian, waana taa sababta uu xaakimka maxkamadda Sare ee Britain u taageeray dacwadda Dahabshiil.

Madaxa shirkadda Dahabshiil Cabdirashid Maxamed Saciid oo VOAda uga waramay arintan ayaa ku tilmaamay guul ay gaareen dhamaan shacabka Somaliyeed iyo shirkadda Dahabshiil,Warku waxa uu intaas ku darayaa in loo balansan yahay in Mar kale dacwadani ka sii bilaabanto Maxkamada Sare ee Uk

London SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed