|

Shirkada Caanka ah ee Facebook Oo Dadka Isticmaalaa Gaadheen Labo Bilyan

Washington 02. July 2017 (SDN/QJ):- In ka badan afar meeloodow meel ka mid ah dadka dunida ayaa bil kasta  isticmaala Facebook, sida ay sheegtay bartaasi ay bulshadu ku xidhiidho.

“Subaxan saaka ah laga billaabo bulshada Facebook isticmaasha labo bilyan ayay noqdeen,” ayuu soo qoray Mark Zuckerberg oo ah ninka aasaasay Facebook oo madaxdana u ah.

Arrintan ayaa imanaysa markii uu Zuckerberg aasaasay bartan 13 sano ka hor isaga oo arday ka ahaa jaamacadda Harvard.

Waxbarashadii jaamacadda ayuu isaga hadhay markii uu aasaasay bartan bulshada caalamku ku xidhiidho.

Shirkadan wayn ayaa sannadkii 2012kii sheegtay in dadka adeegsada bilkaste ay noqeen hal bilyan.

Koritaanka shirkaddan ayaana ka soo horjeeda aragtidii wakhtiga badan jirtay ee ahayd in koritaankeedu uu hoos u dhici doono maadaama ay macaamiishu ka aadayaan Snapchat.

Horaantii sannadkan ayuu Facebook ka digay in uu gaabis ku iman doono faa’iidada ka soo gasha xayaysiinta.

Si kastaba ha ahaatee hamiga Zuckerberg ayaase wali ah mid sareeya.

“Ahmiyaddayadu waa in aan awoodno in aan dadka oo dhan isku xidhno” ayuu yidhi.

Arrintii ugu waynayd ee dhawaan soo wajahday Facebook waxay ahayd nin Maraykanka ku sugan oo soo dhigay Facebook isaga oo toogasho ku dilaya nin duq ah.

Bishii hore ayuu Facebook sheegay in uu shaqaalaysiinayo 3,000 oo ruux oo dheeri ah, kuwaas oo tifaftiri doona waxyaabaha la soo galiyo bartan.

Comments are closed