Shirkad shidaal oo caalami ah oo heshiis la gashay Dalsan Somaliland engery iyo qodobadii lagu heshiyey
London 21Dec13(SDN) Waxaa kulan ku dhex maray magaalada London shirkada caalamiya oo laga leyahay Uk oo lagu magacaabo London international energy iyo shirkada ka socota Somaliland oo la magac baxday Somaliland Dalsan energy Ltd.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wasiirkii hore ee Difaaca Somaliland Mr Cabdilaahi Cali Ibrahim, oo ka mid ah madaxda shirkada Dalsan iyo Hussein al isxaaqi oo ah madax horumarinta sanduuqa mashaaricda Africa ayaa waxa sidoo kale goob joog ahaa Patrik newham oo ah maareeyaha shirka London international energy, halkaas oo ay ku kala saxeexdeen heshiis hordhac ah sidii loo sii anbaqaadi lahaa sii wadida wada shaqaynta labada shirkadood.
Mar aanu wax ka waydiinay wasiirkii hore ee difaaca Mr cabdilahi cali Ibrahim wixii shirku ku saabsanaa wuxuu noo sheegay in shirkadu ka furan doonto xafiis magaaalda Hargeysa sanadka cusub taas oo ay u fudaydin doonto bilawga hawlaha shidaal sahaminta ee lagu talo jiro in laga hirgaliyo gobolka Saraar.
Waxaana la filayaa in dhawaan sida ugu dhakhsaha badan u kicitimo Somaliland si ugu sii gogol xaadho hirgalinta qodobadii heshiiskan.
Waxaana xusid mudan in dalka Somaliland guud ahaan, gaar ahaana gobolka Saraar ayku jirto macadan aad u tiro badan waxana jirta in dhawaan khilaaf soo kala dhexgalay shirkad hore uga baraysay shidaal taas oo shacabka gobolka saraar shirkadan ayaan la ogayn in wasaarada macdanta ay ruqsada siin doonto
qurbejoog.com
London