|

Shirkad Shidaal-baadhis ka wadday Xudun oo la Caydhsaday, Dhawaaqa Galaydh & Hurdada Somaliland

Laascaanood 13.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya deegaanka Xudun ee gobolka Sool, gaar ahaan tuulada God-aalo, ayaa sheegaya in Malleeshiyo-beeleed ka tirsan dadka deegaanku ay Khamiistii is-rasaaseyni ku dhex-martay Ciidammo ka tirsan kuwa Somaliland oo ilaalinayey Shaqaale ka tirsan Shirkad la sheegay inay halkaas hawlgal Sahamin Shidaal ah ka wadday Maalmihii u dambeeyay iyo Malleeshiyo-beeleed Hubaysan oo diiddan hawsha Shirkaddu waddo.

Malleeshiyo-weerartay-shirkad-shidaal-baadhis-ka-wadday-Xudun
Ma jiro khasaare la ogyahay oo ka dhashay Rasaasta la is dhaafsaday, balse, waxaa goobtii ay ku sugnaayeen iskaga baxay Shaqaalihii Ajaanibka ah ee Shirkadda iyo Ciidammadii ilaalada u ahaa, sida uu sheegay mid ka mid ah Malleeshiyaadka is-rasaaseyntu dhex-martay Ciidammada ilaalinayey Shirkadda Shidaal baadhista wadda oo la hadlay Warbaahinta. Hase-yeeshee, Badhasaabka gobolka Sool Mr. Yaasiin oo Xalay Wargeyska Himilo weydiiyey waxa uu ka ogyahay in Shirkaddii Shidaal baadhista ka wadday deegaankii ay kaga sugnayd Xudun ka baxday, ayaa ku jawaabay; “Hargeysa ayaan joogaa oo arrintaas waxba kama ogi.”

Shirkadda Shidaal baadhista ka wadday Xudun, gaar ahaan deegaannada God-aalo iyo Hol-hol oo Magaceedu yahay DNO, waxa hore uga hadlay Maamul-gobolleedka Puntland, waxaanay ka digeen in hawlaha ay halkaas ka wadday Colaad ka dhex abuurto Somaliland iyo Puntland, inkasta oo aan illaa hadda Dawladda dhexe Somaliland si cad uga hadlin hawsha Shirkaddaasi ka waddo Sool.

Geesta kale, Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa u digay Shirkadaha dhaqdhaqaaqyada Shidaal-baadhista ah ka wada Sool, waxaanu yidhi; “Waxa wer-wer leh arrinta (Shidaalka) ee Sool iyo Sanaag ee Shirkadaha ajaanibka ahi (shidaal-baadhista ka wadaan), laakiin Waddanka horreyso iyo dambeysaba khayraadka laga faa’ideysanayo dawladda dhexe iyo gobollada Sool iyo Sanaag baa taladooda wada leh.”

“Laakiin, Cid aan Shuqul-ba ku lahayn oo sheeganaysa (Waxba kama samayn karaan) Shirkadaha Ajaanibka ahna waxaannu leenahay dhaqaalihiinna ha ku luminnina oo Xabaal-bilaash ha qodina, waayo? Sharci ay Somaliland ku yeelanayaan ma jiro. Somaliland, Ciidammadeeda iyo Maamulka (Sool) waxaannu leenahay intii hore ayaa burbur innoogu filan, dhimasho iyo Colaad, tanna dadka ayay Colaadda ku sii kordhinaysaa ee halla joojiyo.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Comments are closed