|

Shirkad Abaal-marinno Siisa Shaqaalaheeda Habeenkii Hore U Seexda Iyo Sababta Keentay

Washington 12.July 2016 (SDN/QJ):- Shirkad ka ma mid ah Shirakadaha caymiska ee ugu waawayn adduunka isla-markaana ka dhisan Dalka Maraykanka ayaa ku dhiiri galisay shaqaalaheeda inay hore u seexdaan habeenkii, iyadoo sheegtay in Qofka ka mid ah Shaqaalaheeda ee habeenkii hore u seexda ay Abaal-marin siinayso.

Employees-meeting-sleep-567813Shirkaddan  oo magaceedu yahay ETNA ayaa waxa ugu wacan inay abaalmarintan ugu deeqdo qofka ka mida shaqaalaheed ee hore u seexda iyada oo shaqadeedu ay sababto hurdo la’aan,  sida uu sheegay Maamulaha Shirkaddaasiye.

 

Sida daraadeed waxa ay ku dhiiri galisay inay dhammaan shaqaalaheedu ka wada qayb galaan barnaamij lagu abaal-marinayo qofkii seexda in ka badan  7 saacadood  habeenkii, waxaana uu Madaxa shirkaddaasi u sheegay shaqaalihiisa in qofka labaatan habeen oo isku xiga seexda in ka badan 7 sacadood uu heli doono abaal marin 25$ habeenkiiba halka haddii uu sidaa joogteeyana uu heli doono abaal marin dhan 300$ bishii.

 

Nidaamkan ayaa ah mid ay shirkaddan soo rogtay sanadkii 2009kii waxaana sanadkii la soo dhaafay abaalmarino ku helay 12000 kun oo ka mida shaqalaha shirkaddaasi oo tiradoodu dhantahay 25kun oo shaqaale.

 

qaar ka mida shaqalaha ayaa loo ogolyahay inay adeegsadaan mashiin ku xidhiidhsan computerda shirkadda oo sheegaya inuu hurdo qofku, halka qofkii doona uu isagu soo qoran karo saacadaha uu hurday isla-markaana shirkaddu ay ku kalsoon tahay xogta uu soo gudbiyay qofkaasi ee inta saacadood ee uu seexday habeenkii.

 

Shirkadda oo Warkan baahisay ayaa sidoo kale sheegtay in Ujeedadda looga dan leeyahay Arrintani tahay inaan Shaqaaluhu ka daalin Shaqada Maalinnimo ee Shirkadda isla-markaana Xilligii loogu talo-galay u soo galaan Shaqada.

Comments are closed