Shirka Xisbiga Mucaaridka ee Waddani oo Maanta Furmaya,Mudada uu Soconayo oo intii Loo Mudeeyay Ka Badan & Hirdanka Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne Ku Xigeen oo Heer Kulkii Ugu Sareeyay Gaadhay
Hargaysa 19.October 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Saaka oo arbaco ah si rasmi uga Furmi doona Huteel Maansoor Shirweynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,
Shirkaas waxa lagu dooran doonaa Labbadii musharax ee Xisbiga u matali lahaa tartanka doorasha madaxtooyada ee soo socota, jagada Musharaxa Madaxwayne waxa kaligii u taagan oo ay banaanka u taal Gudoomiye Cirro halka ku-xigeenka ay ku loolamayaan Axmed Muumin Seed iyo Amb Maxamed Cali.
Saadashaa ay dadwaynaha iyo xubnaha Xisbiga Waddani ilaa hadda bixinayaa waxay tahay in guusha loo filaayo Amb Maxamed sababo baddan awgood hawgu muhiimsanaato taageerada uu ka haysto xubnaha laf-dhabarta u ah Waddani.
Axmed Muumin Seed waa gudoomiye ku xigeenka Xisbiga wuxuu ka mid yahay raggii rukunada u taagay Xisbiga ee intay Ucid kala soo go’een urur Waddani la yidhaa ku dhawaaqay dedaal baddan ka dibna ka mid noqday Saddexdii Xisbi qaran ee ku guulaystay kala saaridii Ururada, halka Amb Maxamed Cali kaligii Xisbiga Waddani xubin ka yahay oo aanu dedaal iyo tacab baddan ba galin doorarkii iyo maraaxishii kala duwanaa ee uu Waddani soo maray
Axmed Muumin waa awooda labaad ee Waddani sababtoo ah waa Guddoonka labaad marka laga tago Cirro dabcan awood baddan ayuu ku leeyahay Xisbiga dhexdiisa xilal door ah oo u isagu magacaabistooda ka danbeeyey ayaa jira reer ayuu matalaa oo cudud, caqli iyo ciidanba galiyey, xildhibaano ayey reerka uu Axmed ka soo jeedo ku leeyihiin Xisbiga, xilal kala duwan ayey ka hayaan Xisbiga dal iyo dibadba Sidaas Wuxuu Ku Mudan Yahay in loo ogaado Doorkiisa.
Markii la iclaamiyey Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Waxaa Jagada Murashax Ku Xigeenka Ku dhawaaqay in ka Yar Toban Siyaasi oo ka soo wada jeeda gobolka Awdal Hasa yeeshee Waxay u kala Tanaasuleen Labada Murashax ee Tartanka Isugu soo Hadhay Waa Axmed Muumin Seed iyo Ambassador Maxamed Cali,Marka la eego hadal haynta Siyaasada waxaa Xoog la isula dhex marayaa in Gudoomiye Cirro uu danaynayo inuu Jagadan Ku Guulaysto Ambassador Maxamed Cali Waxayna Wararku Sheegeen in C.raxmaan Cirro uu dhabarka taabtay Ambassadorkan hirdanku ka dhexeeyo Gudoomiye Ku Xigeenkiisa Kowaad hasa yeeshee Axmed Muumin Seed ayaa arrintaas beeniyay Isla markaana Sheegay in aanay Jirin Cid uu Gudoomiye Cirro Dhabarka Taabtay.
Gudidii kala Saaraysay Murashixiintu Waxay Labadan Mas’uul ee Tartanka Culusi u dhexeeyo ka Saxeexeen Qoraalo Nuxurkoodu ahaa inay aqbali doonaan Kuna Qanci doonaan Natiijo Kasta oo uga soo baxda Codaynta Ergada Golaha Dhexe,Taas oo Muujinaysa in Xisbiga Waddani ka Cabsi qabo Kala Tafaraaruq ku Yimaada Xili ay ku Naaloonayaan Guulo Siyaasadeed oo Xisbiga Kulmiye ka Nixiyey.
Sida Ilo u dhow Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani Xalay Niskii dhexe u Xaqiijiyeen Shabakada Qurbejoog Shirkan oo Ku talo galkiisu ahaa inuu Socdo 19-20 Bishan ayaa Waxaa suurto gal ah in Maalin ama Laba Cisho oo dheeri ah lagu daro,Taas oo lala Xidhiidhinayo Sidii Shirka golaha dhexe u ansixin lahaa Heshiisyo door ah oo Xisbigu u galay si uu Cudud Siyaasadeed u soo Kordhisto,Sidoo Kale Shirka ayaa Maalinta Khamiista loo Wareejin Doonaa Huteel Ambassador.