|

Shirka Wadatashiga Geeddi Socodka Doorashada Soomaaliya ee 2016-ka oo Muqdisho ka Furmay

Muqdisho,19Oct,2015(QJ/SDN)-Shirka wadatashiga geeddi-socodka doorashooyinka Somalia ee 2016-ka ayaa maanta ka furmay Muqdisho, iyadoo shirkan oo socon doona 19-ka iyo 20-ka bishan Oktoobar ayaa waxaa ka qayb-galaya wakiillo Soomaaliyeed oo ka socda qaybaha kala duwan ee Somalia si ay uga hadlaan nooca doorasho ee ugu habboon haboon ee dalka ka qabsoomi kara, si ay u suuro-gasho in awoodda dalka la wareegiyo 2016-ka.

Axdiga KMG ah ee Somalia ee la ansaxiyay 2012-kii, ayaa sheegaya in waajibaadka shaqo ee baarlamaanka federaalka Somalia iyo kan xukuumadduba ay ku kala eg-yihiin bilaha Agoosto iyo September 2016-ka. Iyadoo xukuumaddu iyo baarlamaanku ay sheegeen bishii July ee sannadkan, xaaladaha hadda ka jira Somalia awgeed inaysan qabsoomi karin doorasho Qof iyo Cod ah 2016-ka.

Si loo helo geeddi-socod doorasho oo loo dhan yahay, ayay Soomaaliya hadda billowday geeddi-socod ama wada-tashi ballaaran, kaasoo ay ka qaybg-alayaan wakiillo ka socda dowladda federaalka Somalia, baarlamaanka, maamullada ka jira gobollada dalka iyo bulshada rayidka ah.

Wada-hadalkan wuxuu ku salaysan yahay. – Waxa ku qoran tilmaamaha ama fududeynta” kaasoo mar labaad na xusuusinaya mabaadi’da hagaysa shirka ee horay loogu gudbiyay madashii wadatashiga ee heerkeedu sarreeyay, kaddibna lagu ansixiyay. Madashaasoo lagu qabtay Muqdisho 29-30-kii Juuly, 2015-ka. Aragtiyadaas ayaa tilmaamayay noocyada doorasho ee suuro-galka ah.

Madasha Wadatashiga Qaranka ee dhacaysa 19-20-ka bishaan Oktoobar ayaa bilaabaysay inay dib-u eegis ku samayso noocyada doorasho inta wadatashiyo hor leh oo uu ka qayb-qaadanayaa gobollada Somalia iyo dadwaynaha oo ay ku jiraan Qurba-joogta uusan dhicin.

Sidoo kale, madasha wadatashiga waxay mar kale shir isugu imanaysaa bisha December ee sannadkan si ay isugu raacdo habka doorasho ee ugu habboon ee la qaban karo 2016-ka, iyadoo la muujinayo daah-furnaan, u dhamaansho iyo sidii wakiillo mug leh loogu heli lahaa inay haweenka, dhalinyarada  iyo kooxaxa laga tirada badan yahay  ku yeeshaan shirka kuwaasoo dhamaantooda ka qayb-qaadan doonaan geeddi-socoda wada-tashiga.

Madasha maanta ka furantay Muqdisho waxaa furay Madaxwaynaha Soomaaliya. raiisul wasaaraha Somalia, ku-xigeenka raiisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanaka FS iyo madaxweynayaasha maamul-goboleedyada dalka iyo kuwa dhalan-doona ee kawada midka ah dowladda federaalka Somalia, kuwaasoo ka wada-qaybqaadan doona dooda shirka. Sidoo kale, waxaa ka qayb-qaadanaya shirka tiro lasoo xulay oo xildhibaanno, wasiiro heer gobol ah iyo bulshada rayidka.

Bishii hore waxaa madaxtooyada Somalia ku shiray madax ka socota dowladda federaalka Somalia, baarlamaanka iyo madaxda maamullada Puntland, Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo Galmudug, kaasoo ahaa mid lagu daa-furayay geeddi-socodka wadatashiga doorashada dalka.

Ugu dambeyn, danjire Nikolas Kay oo ka hadlayay munaasabaddii xirtaanka shirkii 21-kii September ayaa si adag u sheegay in madashu ay aad muhiim ugu tahay habka loogu dhisi lahaa Somalia nabad iyo Qaran wanaagsan.

 

QJ/SDN: Muqdisho

Comments are closed