Shirka Maanta Xukuumadda Iyo Mucaaridku u Ballansan Yihiin Iyo Natiijada Laga Filanayo
Hargeysa:May,26,2015(SDN/QJ)-Maanta Oo Salaasa ah, Bisha May-na ay tahay 26, ayaa waxa Mucaaridka somaliland iyo xukuumaddu u ballansan yihiin inay isku horfadhiistaan shir shalay u muddaysnaa, balse xagga xukuumadda ka baaqday.
Ilaa iyo xalay waxa socday fadhiyo badan iyo is xogwaraysi ay xukuumadda iyo xisbigeedu kaga baraandegayeen inay isla meel dhigaan Qorshahooda ay la hortegayaan Mucaaridka oo muujiyey inaanay ku niyadsamayn sida ay xukuumaddu wax u waddo.
Sida ilo xog-ogaal ahi sheegayaan waxa xukuumadda iyo xisbigeedu isku si weyn ulafa gureen inaanu shirku sii socon Karin, haddii aan maanta wax rasmi ah la isla meel dhigin, waxana ay carrabka ku adkeeyeen in marwalba cidda tanaasulka laga doonayaa ay iyaga tahay.
Xubno uu madaxweyne-ku-xigeenku kamid yahay, ayaa madal xalay la isku arkay oo madaxtooyada dhexdeeda ahayd ka sheegay in loo baahan yahay in tanaasul macquul ah oo mucaaridka lagu qanciyo lasii go’aamiyo, maadaama muddadii badatay, caalamka iyo bulshada reer Somaliland ay sugaan in wax horurmar ah loo sheego.
Xubno badan oo xukuumadda katirsan, ayaa iyagu diidan in tanaasul la sameeyo, balse waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku in tanaasulku lagama maarmaan yahay oo is jiidjiidashadu aanay waxba kordhinaynin.
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu soo jeediyey in meesha laga saaro daliilka xukuumadda ah ee ah Muddo-kordhinta la sameeyey waa Distoori, isla-markaana la caddeeyo inta laga tanaasuli karo, balse lama sheegin muddo cayiman oo arrintaas lagaga heshiiyey.
Maanta oo noqonaysa Maalintii saddexaad ee la kulmo, ayaa dhinaca mucaaridka wax aka go’an haddii xukuumaddu la iman weydo tanaasul macquul ah inaanay lasii wadi Karin wada-hadallada, waxana ay dhinacooda isla meel dhigeen inay shirka ka baxaan oo aanay muddo dambe aqbalin.
Xukuumadda lafteedu arrintaas wey dareensan tahay, balse muddo ay ogoshahay wali lama xaqiijin, waxase dhinaceeda ay muujinaysaa inaanay arrintu maanta dhaafin oo muddo go’an loo ogolaado Mucaaridka.
Ugu yaraan Sanad iyo shan bilood ayaa la filayaa in lagu heshiin doono, balse mucaaridka qaarkii, sida Waddani oo kale ayaa doonaya in muddadaas hoos looga sii daadego, inkastoo Ucid arrintaas raalli ka tahay.
Caalamka ayaa sii wada cadaadiskiisa uu arrintan cukuumadda ku saarayo inay tanaasul ka muujiso, balse waxa xukuumadda qudheeda ka muuqda inaanay ku degdegaynin inay samayayso Tanaasul, maadaama aanay raalli ka ahayn inay yeedhmada caalamka udhego nugaysho.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com