Shirka Istanbul oo Salaasada Furmaya iyo Madaxwaynaha Puntland oo ka baaqday inuu tago
Garoowe 22. February 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiweli Gaas ayaa si rasmi ah loo iclaamiyay inuusan tagi doonin shirka ka furmi doona magaalada Istanbul ee Turkiga maalinta beri ah.
Warkan ayaa imaanaya xilli madaxwaynaha Puntland ay soo gaarayeen codsiyo gudaha iyo dibadda ka imaanayay oo looga codsanayay inuusan tagin shirka Istanbul maadaama uusan macno wayn ugu fadhin Puntland.
Madaxwaynaha ayaa dhowrkii maalmood ee ina dhaaftay waxaa la saadaalinayay inuu tago shirka Istanbul ee 23-24 ka furmi doona Turkiga ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa wadday cadaadis ay madaxwaynaha kaga dalbanayso inuu tago dalka Turkiga.
Dawladda Turkiga waxay sidoo kale codsi usoo dirtay madaxwaynaha Puntland inuu shirka kasoo qayb galo.
Warar hoose oo madaxwaynaha ku dhow ayaa sheegaya in madaxwaynaha uu tix galiyay codsigii bulshada dhankay u badatay.
Dadka reer Puntland qaarkood waxay qabeen in madaxwaynuhu tago dalka Turkiga maadama arin Soomaaliyeed laga hadlaayo.
Madaxwaynaha ayaa laqorshaynayaa inuu fasax dheer lasoo qaato qoyskiisa oo uusan muddo laba sano ah ah waqti fiican u helin.
Waxaan idiin soo gudbin doonnaa waxa kasoo baxa shirkaasi iyo sida wax looga dhoho baaqashada Gaas.
Balse waxaa la filayaa in wafdi heer hoose ah oo Puntland kasocda ay halkaasi tagaan si ay ula socdaan arimaha socda.