|

shirka isku xirka barnaamijka xasilinta dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho

Muqdisho July 28, 2024 (QJ)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyay shirka isku xirka barnaamijka xasilinta dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa lagu qiimeeynayaa horumarrada laga gaaray barnaamijka xasilinta dalka oo ay dowladdu hormuud ka tahay, kaasoo ujeedkiisu yahay sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada bulshada, taabagelinta dowladnimada, sugidda amniga, caddaaladdana loogu samayn lahaa deegaannadii dhowaan laga saaray Al-Shabaab.

Kulanka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garowga wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Kulanka ayaa imanaya xili ay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay isaga baxeen deegaano iyo degmooyin badan oo ay ka dhaceen dagaallo culus oo Al-Shabaab looga saaray, iyadoo la filayay in dadkii ka barakacay degaanadaa ay dib ugu laabtaan degaanadoodii.

Comments are closed