|

Shirka Higsiga Cusub ee New Deal oo berri ka furmaya Magaalada Brussels

Brussels 15.Sep 2013 (SDN)- Shirka Hiigsiga Cusub ‘New Deal for Somalia’ ayaa maalinta berri ah ka furmayo magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium.

Shirka oo ay si wada-jir ah u marti-galinayaan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

New-Deal-300x203In ka badan 200 oo wafdi oo dalal, ururro, hay’ado horumarineed iyo deeq-bixiyeyaal isugu jira ayaa la filayaa inay shirka ka qaybgalaan.

Dalalka Midowga Yurub ayaa la filayaa inay dhaqaale lagu horumariyo ciidamada Soomaaliya, dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo horumarinta bulshada ay ku taageeraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Catherine Ashton oo ah wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga ayaa la filayaa inay shirka wada guddoomiyaan.

Brussels SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed