Shirka Baxarasaafka: Ma Shar Mise Khayr ayuu dalka iyo Dadkaba ugu Fadhiyaa? Cali Guray
Hargaysa, 01,Aug 2016 – (SDN/QJ): – Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa ka hadlay Shirka Xukuumadu Saska ka qaaday ee ay Iclaamiyeen Mid ka mid ah Beelaha Gobolka Saaxil inuu uga Furmo Deegaanka Baxarasaafka ee Degmada Dacar Budhuq.
Cali Guray ayaa Qoraal Garnaqsi iyo Tudhaale leh waxa uu ku faafiyey Barta uu ku leeyahay Facebook ayaa u dhignayd Sidan:- Marka aynu dib ugu noqon taariikhda shirarkii reeraha ee ka dhacay Somaliland tiro ahaan lama koobi karo. Welina lama hayo reer shiray oo go’aankoodu noqday xumaan ay isku soo raaceen. Hadii ay jiraan kuwo si gaar ah farta loogu godi karo waxay noqon karaa xilyadii adkaa ee dagaalada sokeeye dawladnimaduna ay bilawga ahayd xataa Ciidamo amni qaranba aanay jirin.
Intii ka dambaysay 1997kii intii shirar ay reero qabsadeen waxa ka soo baxaa waxad moodaysay in aanay waxba ku kala duwanayn.
Xataa dhinaca siyaasadda ma jiro shir reer oo talo ay ka midaysan yihiin reerku ka soo saara ama ha sheegaan ama ha qarsadaan eh marka laga reebo Shirkii Garadag iyo ardaayo Musharax Baarlaman ama Gole Degaan isku soo raaca oo ku kala reeba shir doceed ay yeesheen.
Imika Shirkan Baxrasaafka xukuumaddu si adag ayay uga hortimi ilaa heer ay diiday in la qabto. Sheekada suuqa waxa loo fahmay ama loo fasiray reeraha kale waa la ogol yahay inay shiraan lakiin Ciise Muuse dawladdu uma ogola inay shiraan. Taas ayaad moodaa inay xamaasad dheeraad ah iyo ficil sii kordhisay sua’aashu waa waayo? Jawaabtu ma adka oo waxaynu ku soo duuduubi karnaa XAALADDA BERBERA ee kacsan. Weliba in kasta oo arimo kale ay jiraan waxa ugu wayn arinka Mashruuca Dekedda Berbera ee DP World oo aynu ognahay ugu dambaysta in go’aankeeda aan reer yeelan karin ee dawladdu leedahay iyada oo inta badan shacbiga iyo gaar ahaan dadka degaankaba ay tahay inay fahamaan ama la fahamsiiyo ahmiyadda Mashruucan u leeyahay Somaliland si shakigu meesha uga baxo.
Marka aynu sidaa ognahay hadii uu qabsoomo Shirka Baxrasaafku go’aan arinka Mashruuca Dekedda ku saabsan oo reerka oo dhami isku raaci karaan taageero iyo diidmaba kama soo bixi karo waayo dee reerku waa sida reeraha uun waxay xaq u leeyihiin iyo waxa aanay xaqa u lahayn hadii aanay wada garanayn in badan oo garanaysa ayaa jirta. Midda kale ma jiraan dhinaca siyaasadda iyo danaha gaarka ah reer kuligood ka midaysan ee waxay leeyihiin muxaafid iyo mucaaridba.
Hadii dhac isku dayo inu tiisa marsado Go’aanka Shirku ma noqon karo mid keliya ee ee waxa dhici karta in laba go’aan laga soo kala saaro.
Sidaa daraadeed anigu si Xeegana xeego u noqoto ilkana u nabad galaan anigu Xukuumadda waxan kula talin lahaa inay u ogolaato reeka yidhi waanu shiraynaa shaqadiinana dee qabsada idinka ayaaba dawlad ahe.