Shirgudoonka Labada Gole ee Baarlamanka Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo ku Taageeray inaan Somaliland ka qayb galin Shirka Loo qabanayo Somalia
Hargaysa 17.March (SDN) Shir gudoonada labaada ee Golaha Guurtida Iyo wakiilada JSL ayaa maanta Ku taageeray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Go’ aankii uu ku Qaadacay inaanay Somaliland ka qayb galayn Shirka arriamaha Somalia lagaga hadlayo ee ay dawlada Ingiriisku dabada ka riixayso.
Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ahna ku simaha Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax oo Warfidiyeenada kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa Sheegay in Gole ahaan ay soo dhawaynayaan Go’aankii Madaxweynaha ee Shirka Somalia loo qabanayo bisha Shanaad ee Sannadkan kaas oo uu Xusay inaanu Somaliland wax dan ahi ugu jirin.
Geesta kale Gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Mudane Md.Siciid Jaamac Cilmi ayaa dhankiisa ka sheegay in Golaha Guurtidu ay ku raacsan yihiin Madaxweynaha Go’aanka uu ku qaadacay in Somaliland ka qayb gasho Shir lagaga hadlayo arrimaha Somalia oo keliya, Isla markaana aanay Wax Maslaxad ahi ugu jirin Jamhuuriyada Somaliland.
Hargaysa SDN
qurbejoog@gmail.com