|

Shirguddoonka Golaha Guurtida Oo Beeniyey Warqad Muddo Kordhin Loogu Samaynayo Xukuumadda Siilaanyo Oo La Sheegay Inay Kasoo Gaadhay Dhinaca Madaxtooayda

Hargeysa:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa iska Fogeeyey Waraaq muddo-kordhin loogu samaynayo oo  uga timi dhinaca Aqalka Madaxtooyada, taas oo oo jiritaankeeda ay hore u baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta Somaliland.

siciid jaamac aliGuddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali oo saaka warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inaanay jirin wax waraaq muddo kordhin ah  oo kasoo gaadhay Dhinaca Madaxtooyada, waxana uu tilmaamay inuu warkaas kaliya ka arkay warbaahinta dalka qaarkood.

“Runtii waxaan saaka warbaahinta ku arkayey warkaas sheegaya in guddida doorashooyinku uu war geliyey in xukuumadan ay warqad noo soo gudbisay laakiin waxaan idiin cadaynayaa ilaa iyo hada inaanay jiirin wax warqad ah oo na soo gaadhay kuna saabsan arintaasi.” Ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida somaliland oo  ka hadlaya   mawqifkooda ku aadan haddii mudo kordhin laga codsado ayaa waxa uu yidhi “Anaga marka ay warqadu noo timaado, goluhu wuu qiimeeyaa, talooyinka ay soo raaciyaan guddida doorashooyinku, xaalada markaas taagan, qiimayntaas uu goluhu qiimeeyo  ayuu ku saleeyaa kordhinta mudada uu markaas bixinayo.”

Ugu danbayntiina gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha guurtida somaliland Siciid Jaamac Cali ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo inay jiraan xaalado keeni kara mudo kordhin waxaanu yidhi “ kama hor dhici karo inay jiraan xaalado keeni kara mudo korhdin.”

Warbaahinta ka soo socda caasimada Hargeysa ayaa qaarkood saaka baahiyeen inay guddida doorashooyinka somaliland xukuumada ku war geliyeen inaanay wakhtiga hadhay ku qaban Karin doorashooyinka soo socda, taas badalkeedana waxay wararku sheegayaan inay isla garteen inay doorashada ku qaban karaan mudo sanad ah, isla-markaana ay Madaxtooyada u gudbiyeen waraaqdaas muddo kordhinta ah, taas oo madaxtooyaduna xagga Guurtida isku dhaafisay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed