|

Shirarkii Maamul u Samaynta Gobolada Koonfureed ee Somalia oo Gunaanad ku dhow iyo Hanka Murashixiinta

Baydhabo 17.Dec 2013 (SDN)- Shirarka loogu arinsanyo maamul usameynta goboladakoonfureed ee dalka soomaaliya ayaa maraya haatan heer gabo gabo iydoona musharixii ugu horeeyayna uu isa soo taagay xilkaasi.

BaydhabaWaxaana soo baxay murashaxiin u tartamaya xilkaasi tartamaya ee isu soo taagaya , Gudoomiyahii hore maamulka Gobolka Baay c/fitaax geesey ayaa ku dhawaaqay in uu u tagan yahay Qabashada Madaxtinimada maamulka ay la doonayo in Gobolada Baay iyo bakool iyo gobolo kale lagu mideeyo ee haatan ka socda baydhabo dhisidiisa.

Odaysah iyo wax garadka bay iyo Bakool eek u shirsan Baydhabo ayaa sheegay in xiligaan uu marayo shirka meel gabo bago ah dhawaana marka ay ku dhawaaqayaan xiliga laqabanayo doorashada.

Dhawaan ayaa waxaa soo shaac baxayay in GUdoomiyahii Hore ee Baarlamaanka KMG ah Shariix xasan Sheeklh aadan uu yahay murashax u taagan qabashada xilkaasi, gudoomiyahaana waxa auu noqonayaa qofkii ugu horeeyay ee si rasmi ah loo shaaciyo.

Baydhaba SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed