|

“Shirarkii Beelaha ee Somaliland Wax Ajandayaal ah oo Lasoo Bandhigay oo Shirka Hortii Lasoo Qadimey Majirin, Dhib Kasta Waa Lagaga Hadlayaa”Gudoomiyaha Awal Galbeed

 

Hargeysa:7-Sep-2013(SDN)-Gudoomiyaha Awal Galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle(dabalule), ayaa Gaashaanka Ku Dhuftey in Ajandaha lagaga doodayo Shirka Beelaha Sacad-muuse si gaar ah loo sii shaaciyo Wakhtigan ka hor intaan si rasmi ah loo Furin Shirkaasi oo Dhawaan la filayo in uu Agabar ka Bilaabmi Doono.

 

dabalule Gudoomiyaha Awal Galbeed Yuusuf Dabalule oo  Habeenimadii khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com ayaa si cad u sheegay inaan cidna laga aqbali doonin inay shirka u samayso ajande gaa ah.

Yuusuf Cilmi Ayaanle(Dabalule) isagoo arimahaa ka hadlaya Waxa uu hadalkiisa Ku Bilaabay Sidan.

” Awrtii Sacad Muuse markey durduro dhameysatey aakhir waxa la iskugu imanayaa danta arimahana sidey yihiin ayaa loo gali doonaa waxaanad moodaa in ay hadda dhinac kamid ahi Beeshaasi u arkeen inay toodii noqotey laakiin sidaa ma, aha dhinac Reer Noqon kara ma aha Reerku cidna tooda noqon meysee waxa mujtamacu isku raaco ayay Noqon doonaan arimaha nuxurka ah ee Shirkaasi midho dhali doono”.Ayuu yidhi Yuusuf Cilmi Ayaanle(dabalule).

 

Guddoomiye Dabalule oo faah-faahin ka bixinaya sida aan loo aqbali Karin in shirka loo sameeyo ajandayaal ka hor intaanu bilaabmin, waxa uu yidhi, “Ma Dhici karto in Shirka Sacad Muuse qodobo iyo ajandayaal imika loo siii laqimo intaan Shirku bilaabmin, waxa uu lamid yahey Shirarkii Beelaha ee dalka ka dhacey wax kasta oo danta Reerku kujirto iyo arin kasta oo dan la moodo halkaasaa lagaga munaaqishoon doonaa hadaanu sidaa noqona Shir ma aha ee waa kulan, anigu horaan u sheegay oo aan u idhi magaca Xariirta ah hadii wasakhi gaadho ka Wasiirka ah ka Sheekha ah, ka Ganacsadaha ah iyo qof kasta oo Magaca Beeshan ku abtirsada saameyn ayay ku yeelaneysaa sida uu hada Bulshada ku dhex yaheyna ahaan maayo, waxaan hadalkeyga kusoo Gunaanadayaa Sirey caad noqo”Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Yuusuf Dabalule, Gudoomiyaha Awal Galbeed.

Shirka beel-weynta sacag muuse,ayaa in muddo ahba qabsoomadiida lagu muran sanaa, waxana aan wali jirin wax tanaasul ah oo ka yimi dhinacyada  uu shirkaasi ka qabsoomi la’yahay, waxana ilaa imika taagan murankii iyo khilaafkii shirka curyaamiyey.

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed