Shirarka Muqdisho Oo Wali la isku Mar La’yahay Iyo Shisheeye La filayo Inay soo kala Dhex galaan
Muqdisho 15.Dec 2015 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta Soomaalida ayaa wali ku kala aragti duwan nooca doorasho ee la qaadanayo sanadka 2016, iyadoo mar kale maanta uu dib u dhac ku yimid shirkii madasha wada tashiga qaran ee lagu soo bandhigi lahaa go’aanka ugu dambeeya ee la isku raaco.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in shalay illaa xalay uu shirar u socday Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada ay wali xal ka gaari la’yihiin qodobadii ahaa in doorashada ay noqoto hab deegaan iyo in 4.5 lagu saleeyo, iyadoo midba midka kale uu ku adkeysanayo fikirkiisa.
Shirka oo ahaa in labo maalmood uu socdo, ayaa mar kale dib u dhacay, iyadoo aheyd in maanta oo Talaado ah la soo xiro, kadib markii shalay uu dib ugu dhacay kulan gaar ah oo ay lahaayeen Madaxda, si ay isku fahmaan, iskuna raacaan hal aragti, ka hor inta aan natiijada la soo bandhigin.
Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku adkeysanaya aragtidooda ku aadan in doorashada 2016 ay noqoto mid deegaan, halka dhanka kale Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ay qabaan in doorashada ay noqoto 4.5.
Illaa iyo hada ma jirto in meel dhexe la isugu yimid labadaas aragti, waxaana jira cadaadis dhinacyada lagu saarayo inay isku raacaan hal aragti oo laga yeesho hanaanka doorasho ee 2016.
Ka sokow labada aragti ee la isku mari la’yahay ayaa waxaa bar bar socoto waqti kordhin la doonayo in Baarlamaanka loo sameeyo, hase ahaatee taa waxaa daba socoto shuruudooyin kala duwan iyo qaabka muddo kordhin loogu sameyn karo isku mar saddexda hey’adood ee ugu sareysa, inkastoo ururada bulshada iyo xubnaha kale ee goob joogayaasha ah ay diidan yihiin waqti kororsi yimaada.
Xubnaha Beesha Caalamka ayaa laga yaabaa inay soo dhex galaan kulamada wali la isku mari la’yahay ee Madaxda dhexdooda u dhaxeeya, waxaana la filayaa in Beesha Caalamka ay dhinac raacdo, lamana oga cida ay raaci doonto, waxaase ay qirsan yihiin in waqtigu socdo, lagama maarmaan ay tahay in nooc doorasho la isku raaco ka hor shirka Istanbul loo madlan yahay bisha Febraayo ee ay yeelanayaan Madaxda Soomaalida iyo Beesha Caalamka, si kama dambeys halkaas loogu soo bandhigo nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta.
Puntland ayaa iyadu wali Mawqifkeedii ku adkeysanaysa waxeyna Sheegeen in xiligan aysan wax dan ah ugu jirin umadda Somaliyeed Nidaamka 4.5