SHIRAR SIYAASADEED OO KASOCDA MAGAALADA DHAHAR IYO WASIIR BUUREEDKA KALUUMAYSIGA SOMALILAND OO MAGAALADAASI HUTEL KAGA SUGAN.
Dhahar(SDN/QJ) Maalmahanba waxaa magaalada dhahar kasocda shirar ay waayeelka iyo waxgaradka degmada dhahar kaga arinsanayaan fariin uga timi Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland taaso Madaxweyne Gaas uu waayeelka beesha Dubays ee Waransangeli kaga dalbaday in ay hayb qabiil ku raacaan maamulkiisa Puntland, dhambaalka madaxweynaha puntland oo ay waayeelka magaalada dhahar soo gaadhsiiyeen wefti reer puntland ah oo uu horkacayo gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo xubno wasiiro ah kuwaaso dhawr maalmood ku sugnaa magaalada dhahar.
Xogaha ilaa iyo haatan aanu ka helayno shirarkaasi iyo sida ay u socdaan ayaa sheegaya in waayeelka iyo waxgaradka beesha Dubays ay iskula qaateen inaanay marleyba suurtagal noqon karin inay aqbalaan amaba soo dhaweeyaan rabitaanka Madaxweyne Gaas ee ku Isiran haybta qabiil, waxaana la filayaa in maalinta beri ah madaxdhaqameedka iyo waayeelka Beesha Dubays shirkaasi usoo gebagaboobo.
Qaar kamid ah waayeelka shirkaasi oo aanu khadka taleefanka kula xidhiidhnay waxna ka weydiinay halka shirkaasi u marayo, Doorka wasiirka Kaluumaysigu uu ku leeyahay iyo waxa ujeedooyinkiisu daaran yihiin ayaa waxay si kooban uga yidhaahdeen “Shirku waa noo socdaa waxana beeshu kaga arinsanaysaa wixii ay ka yeeli lahayd warqad uga timi Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland iyo dano beesha dhexdeeda ah kana hordhici mayno inta aanu soo saarayno go’aamada aanu isla qaadanay, Wasiirka aad na weydiisayna waanu maqlay inuu joogo balse lama aanu kulmin isaguna nooma yeedhan”.
Bulshoweynta reer Somaliland ee ku dhaqan degmada dhahar ayaa ah bulsho ka midaysan qadiyada Somaliland islamarkaasina aan dheg jalaq usiinin baaqyada qabyaaladeed ee inta badan uga yimaada maamulka puntland.
Inkastoo taasi jirto hadana waxaa jira gaab xoogan oo soo kala dhexgalay xidhiidhkii xukuumada somaliland iyo waayeelka degmada dhahar tan iyo intii la magcaabay wasiirka kaluumaysiga somaliland Cali Buureed, taaso sababtay kuxidhnaansho la’aanta wasiir buureed oo aan isagu wax xidhiidh ah la’ lahayn Waayeelka, Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka degmada dhahar, waxaana taasi laga dareemi karaa kolka aad eegto farqiga u dhexeeya xiliyadii Wasiirkii hore ee Degaanka Maxamuud Siciid Gacamey oo aanay jirin habayaraatee duulaan siyaasadeed oo puntland u suurtageliya inay magaalada dhahar kulamo kula yeeshaan madaxdhaqameedka beesha Dubays.
Halka maanta xili wasiirkii kaluumaysigu ku sugan yahay magaalada dhahar ay maamulka puntland oo uu hore wasiir uga ahaan jiray ay si kalsooni leh danahooda uga dhex wataan waxaa kaloo xusid mudan dhawr jeer oo wefti xukuumada somaliland kasocda ay tageen magaalada dhahar sidii bulshada reer dhahareed ay ugu soo dhaweyn jireen duleedka magaalada dhahar masaafo ka badan sodon km, xiliyadaasi waxaa wasiirkii hore ee Gacamay lagu xasuusta isku duubnidii bulshada dhahar, mashaariicdii xukuumadu ka hirgelisay magaalada dhahar, Xidhiidhkii Xukuumada iyo Shacabka degmada dhahar iyo weliba sidii warbaahinta madaxa banaan iyo tan maxaliga ahba ay uga soo gudbin jireen dhaq-dhaqaaqyada horumarineed iyo dareenka shacabka reer somaliland ee ku noolow degmadaasi.
Maalmihii Ciidka ayey ahayd markii wefti wasiiro ah oo uu weheliyo gudoomiyaha Baarlamaanka puntland ay socdaal ku yimaadeen magaalada dhahar xiligaasi oo wasiirka kaluumaysigu isaguna ku sugnaa magaalada dhahar islamarkaasina wasiir Buureed iyo weftiga reer puntland sida la sheegay ay huteel wada deganayeen.
Sikastaba ha ahaatee walow wasiir Buureed weli ku sugan yahay gudaha dhahar hadana shirarka xiligan kasocda magaalada dhahar ayaanu gebi ahaanba ka dhex muuqan islamarkaasina aanay jirin wax war ah oo uu kala socda, maraanu isku daynay inaanu la xidhiidhno wasiirka kaluumaysiga ayaanu ku weynay khadka taleefanka.