|

Shirar Duceedyo Si Hoose ugu Bilaabmay Isbahaysiga Murashixiinta Kulmiye iyo Xisbiga Waddani,Is Casilaadii Cirro oo Soo Dhow Iyo Bedelkiisii oo Shuruud la hordhigay

Hargaysa 13.Nov 2015 (SDN/QJ):-  Xisbiga Mucaradka ah ee Waddani ayaa Gudahaha Magalada Hargeysa ka bilaabay inuu shir doceedyo hoose la yeesho Wasiiradii iska casilay xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo xubnihii musharaxiinta ahaa ee qaadacay inay ka qayb galan shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

XOG
Shirarkaan oo 48 saac ee u dambeeyaay ka soconaayay ayaa Xoguhu  sheegayaan in masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani iyo Xubnaha Wasiirada iyo musharaxiinta ay shirar hoose kulahaayn guriyo iyo hoteelada magalada hargeysa .

Xisbiga Waddani ayaa Waxa Shirarkaasi uga Qayb Galayaay Sida Xogaha aanu Helaynaa Sheegayaan Xooghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilahi Urcade ,Xildhibaan Rayte iyo Xamarji .

Halka Xubaha Isbahayasiga Kulmiyena u Matalayeen Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan , Wasiirkii Hore ee Maaliyada Cabdi casiis Samaale, Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis Iyo Wasiirkii Hore ee Waxbarashada Faarax Geedoole iyo Xildhibaan Kijaandhe .

Labada dhinac ayaa Hada waxa ay yeesheen Wada hadalo hor dhac ah oo aan ilaa hada si rasmiya la iskugu afgaran waxana loo balan san yahay in shir Loo wada dhan yahay ay labada dhinac yeeshaan.

Dhinaca Kale Sida ay Tibaaxayaan Warar ka soo baxaya Xisbiga Waddani Waxaa soo dhow Xiligii uu Gudoomiye C.raxmaan Cirro iska Casili lahaa Xilka Gudoomiye-nimo ee Golaha Wakiiladda Waxayna Taasi abuurtay Sidii uu Xisbiga Waddani ugu bedelan lahaa Jagadaas Mas’uuliyiin ku abtirsada Xisbiga Kulmiye inay soo galaan, Waxaa xoog loo hadal hayaa in Gudoomiye Ku Xigeenada 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiiladu inay Ku Biiraan  Xisbiga uu Hogaamiyo Saaxiibkood Cirro kadib markii ay Saluug weyn ka qaadeen Shirkii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Labadooduba ay dibada ka joogeen,iyagoo qawaday qaabkii shirka loo maamulay.

Labadan Xubnood ee Shirgudoonka ayaa Wararku sheegayaan inay u digo rogan doonaan Xisbiga Waddani si ay Suurto gal ugu noqoto inay hantaan Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Ku Xigeenkiisa 1aad.

Marka la isku soo Xooriyo Waxay arrintani Saamayn taban ku yeelan doontaa inay dhaawacdo wada Jirkii iyo Isku duubnidii Xisbiga Kulmiye Maadaama ay Xubnahani isu arkaan kuwo Godob Siyaasadeed laga galay waxayna dhanka kale Guul Siyaasadeed u tahay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ay wax ka bedeli doonto hanaankiisa Mucaaridnimo iyo inuu helo Xubno aqoon u leh Xeeladaha ay Isticimaalaan Madaxda Kulmiye.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed