Shir waynahii beelwaynta Ciidagale oo ka dhacay Galbeedka London iyo qodobadii ka soo baxay,,,
London 22April (SDN) Beelwaynta ciidagale ee ku dhaqan Uk ayaa shirbalaaran ku qabsaday caasimada wadanka Biritain ee Uk, shirkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan gobolada wadankan ka kooban yahay ,shirkan ayaa lagu lafa guray qodobo ka hadlaya Horumarka beesha sida Waxbarashada ,Cafimaadka, Wadadda Cad ,Dhaqtarka Salaxley iyo xaalada Kilinka Shanaad ,Waxa goob joog ahaa Maayerkii hore ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xuseen Jiciir oo ka war bixiyey xaaladda guud ee wadanku marayo iyo wadadda Cad ee dhismaheedu socdo wajigii labaad . Ismaaciil Caga wayne oo ka tirsan gudida dhismahawadada cad ahna Ganacsade ayaa soo jeediyey Hab u socodka wadada cad war bixina ka siyey marti sharaftii ka soo qayb gasha sidii wajiga labaad looga qayb qatan lahaa dhismaheeda .Waxa kale oo goobta ka hadashay Gudoomiye ku xigeenka Garabka Haweenka Gaaroodi Marwo Asiya Jamac oo ka hadashay xaalada dhaqatarka Sallaxley halka uu marayo iyo qorshayaasha kale ee u qorsheysan mustaqbalka dhaw ururkooda iyo sidii hablaha gaaroodi uga qayb qatan lahayeen maasharicda wax tarka beesha iyaga oo ku baqay in la qabto shirwayne labaad oo ka balaran taas oo la tageeray dhamaan Marti sharaftii ka soo qayb gashay, waxa kale oo ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Gaaroodi Deeq Cabdi Digale oo ka war bixiyey mudadii uu xilka hayey waxiii u qabsoomay iyo waxa ay heegsanayaan isaga oo ugu boogaadiyey dhamaan marti sharaftii inay iska kashadaan waxtarka iyo isku xirnaanta beesha : gabagabadii waxa laysla qatay in shirwayne loo dhanyahay in laysugu yimaado taas oo fikradeeda ay keeneen garabka haweenka Gaaroodi taas oo dhamaan marti sharaftii soo dhaweyeen .gabagabadii waxa soo gunaanaday guddoomiyaha Guddidda beesha Mudane Abokor Maxamed Ismacil oo uga mahad celiyey dhamaan marti sharaftii ka soo qayb gashay shirka,
qurbejoog.com
Uk London