Shir Siyaasadeed Madal Isugu Keenay Muxaafid Iyo Mucaaridba Siyaasiyiinta Beesha Habar Carfaan Oo Lagu Naaqishay Aayaha Siyaasadeed Ee Beesha Kadib Xaaladdii Axmed Muumin Seed, Xodxodashada KULMIYE Iyo Rajada WADDANI
Boorama 09. November 2016 (SDN/QJ):-Kulan Siyaasadeed Albaabadu u xidhnaa oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey Magaalada Boorama uga socday Masuuliyiinta xukuumadd kaga jirta, Siyaasiyiinta, Odayaasha, Aqoonyahanka, Dhallinyarada iyo haweenka beesha Habar Carfaan/Samaroon ee degta Gobolka Awdal ayaa shalay Suldaanka Guud ee Beeshaasi soo gabagabeeyey iyada oo gunaanadkii shirkaasi laga soo saaray qodobo dhawr ah iyo guddi ka kooban 25 Xubnood oo ka soo talo bixin doonta aayaha siyaasadeed ee beeshu halka uu ku dambayn doono, iyada oo 25-kaasi xubnood Suldaanka Guud ee Beeshu Suldaan Dhawal halkaasi kaga dhawaaqay.
Ilo-wareedyo la xidhiidha Kulankan ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyey kulankan oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Magaalada Boorama uu shalay halkaasi ku soo xidhmay iyada oo odayaasha, siyaasiyiinta iyo wax garadka beeshu isku raacay in 25-kaasi xubnood ee shirkan lagu saaray laga dhur-sugo wixii ay ku soo talo bixiyaan iyo xagga ay u bataana shir kale laga yeesho oo sidaa beeshu ku go’aan qaadato halka ay marinayso codkeeda iyo masiirkeeda siyaasiga ah marka laga hadlayo dhinaca axsaabta iyo doorashada soo socota.
Warar Xog ogaal ah oo aannu kulankaasi ka helnay ayaa noo xaqiijiyey in ay kulankan ka soo qayb galeen Masuuliyiinta beeshan xukuumadda ugu jira oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, Badhasaabka Gobolka Saaxil Jaamac yuusuf Axmed, iyo waliba xubno kale oo siyaasiyiin ah oo ku kala jira saddexda xisbi qaran balse dhammaantood isugu yimid kulankaasi iyada oo naloo xaqiijiyey in kulankaasi qabsoomiddiisa uu lahaa Suldaanka Beesha Habar Carfaan Suldaan Cabdifraxmaan Jaamac Dhawal.
Shirkan ayaa ka dambeeyey kadib natiijadii ka soo baxday Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI ee uu ka cadhooday Guddoomiye ku xigeenkii Xisbigaasi Mudane Axmed Muumin Seed oo isagu beeshan ka soo jeeda taasi oo keentay in Madax-dhaqameedka Beesha, Siyaasiyiinta iyo odayaasha beeshu dareen weyn ka qaataan natiijadii kulankaasi ee xisbigu ku kala saaray Musharraxiinta Madaxweyne ku xigeen oo sida la sheegay ay aad uga cadhoodeen.
Wararka kulankan naga soo gaadhay waxa ay intaasi ku darayaan in Suldaanka Beesha Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Madax dhaqameedka kale ku baaqeen in beeshu ka midaysnaato damaca siyaasiga ah iyo halka ay masiirkooda ku aamini karaan halka xubnihii beesha ka tirsanaa ee shirkaasi ka qayb galayay ee ka socday dhinaca axsaabta mucaaridka ahi gaar ahaan Xisbiga WADDANI ay iyana talooyin ku dhiibteen in aanay beeshu marnaba u digo rogan xisbi kale ee ay ku sii dhegsanaadaan xisbigii ay yagleelkiisa wax ku lahaayeen iyada oo wararku sheegayaan in Wasiirkii hore ee Beeraha Mudane Geedoole uu ka badheedhay in beeshu xisbiga WADDANI wax la qabsato oo aanay meel kale u guurin halka xubnihii xukuumadda ugu jiray beeshu ka badheedheen aragtidooda ah in beeshu si midaysan ugu digo rogato xisbiga KULMIYE oo aanay WADDANI waxba u oolin.
Lama oga waxa ay ku soo talo bixin doonaan iyo halka siyaasi ahaan Suldaan Dhawal dardaarankiisa ugu dambeeya ku bixin doono iyada oo ay wararka qaar sheegayaan in aanay wax midho dhal ahi ka soo bixin kulammo xisbiga WADDANI la yeeshay suldaanka iyo madaxda dhaqanka ee beesha oo la xidhiidha sidii xisbiga iyo odayaasha beeshu uga odayayn lahaayeen xallinta qaddiyadda Axmed Muumin Seed oo wali cakiran.