Shir sannadeedka 2aad ee Qurba-jooga Somaliland oo si rasmi ah maantiisii kowaad galay
Hargeisa July 17,2012(SDN)- Shir sannadeedkan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Xidhiidhka Jaalliyadaha Somaliland oo kaashanaysa hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee USAID, IOM, TS iyo shirkadaha SBI iyo Dahabshiil, ayuu furay Madaxweyne-xigeenka JSL Mudane Cabdi-raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylaci) kaasoo ay ku wehelinayeen raxan wasiirada xukuumadda JSL ka tirsan iyo masuuliyiin tiro badan oo dawladda iyo bulshada rayidka ah ka koobani.
Ugu horayn waxa hadallo hordhac ah ka jeediyay shirka Guddoomiyaha Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL Mudane Maxamuud Cabdi-raxmaan Cali isagoo u mahadceliyay Madaxweyne-xigeenka JSL, dhinacyada ay iska kaashadeen shirkan iyo dhammaan Qurba-jooga Jaalliyadaha kala duwan ee Somaliland ee ka soo qaybgalay shirka waxana ka mid ahaa hadalladiisii salaanta kadib “Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyaaha JSL waa xafiis uu u magacaabay Madaxweynaha JSL inuu ku maamuuso Qurbajoogga u dhashay Somaliland, waa xafiis loogu talogalay dhammaan jaalliyadaha Somaliland waa xafiiskii isku xidhayay jaalliyadaha dibadda iyo dawladda JSL. Intii ay jirtay ee labada sano ahayd hay’addani kollay waxyaabo badan ayay qabatay.”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Intii aan anigu joogay oo ahayd laga soo bilaabo bishii sedexaad waxan isku dubariday hawlo badan oo ahaa sidaan iskugu xidhi lahayn oo ahaa sidii aan wax isugu xidhi lahayn Qurbajoogga dibadda jooga. Waa shirkii ugu horreeyay aannu qabanno, insha allaahu tacaalaana waannu ka sii wadi doonnaa.
Guddoomiyaha Qurbajooggu isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu ka waramay ujeedada shirka sannadkan oo ah Maalgashiga Qurbajoogga ee dalka iyo sidii taas loo horumarin lahaa.
Hadalkaas kadib, Guddoomiyaha Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL, Mudane Maxamuud Cabdi-raxmaan Cali wuxuu ku soo dhaweeyay hadalka Madaxweyne-xigeenka JSL Mudane Cabdi-raxmaan Cabdillaahi Saylici oo si rasmi ah u furay shirka.
Madaxweyne—ku-xigeenku wuxu bogaadiyay Qurba-joogga Somaliland iyo doorka ay kaga jiraan dhaqaalaha iyo maalgashiga wadanka, waxanu ku booriyay in laga wada shaqeeyo sidii laysaga kaashan lahaa maalgashi ballaadhan oo dalka lagu sameeyo, lagana gudbo habka kali kalida ah ee immika ay Qurba-jooggu ganacsiga dalka uga qaybgalaan.
Runtii farxad bay ii ahayd inaan maanta ka soo qaybgalo barmaamijka Qurbajoogga ee hay’adda qurbajooggu soo qabanqaabisay oo runtii aan u arko inuu yahay laf dhabarta dalka Somaliland mudadaa koobiyo labaatanka sannadooda dalkaa dhismay qayb aad u weyn ka soo qaatay. Marka meelaha caynka ah laysugu yimaadana waxa loo baahannahay inay ka soo baxaan wax midho dhal ah oo dadkiyo dalkaba wax u tara.
Madaxweyne-ku-xigeenka JSL oo hadalkiisa dhiirrigelinta iyo guubaabada qurbajoogga sii wada wuxu yidhi, “Laba arrimood ayaa ugu muhiimsan sidii maalgelin la isaga kaashan lahaa ee qurbajooggu isaga kaashan lahaayeen sidii ay mashaariic iyagana wax u tara dalkana wax u tara oo shaqo abuur u noqda dhalinyarada dalka.
Madaxda kale ee shirka ka hadashay waxa ka mid ah Wasiirka Ganacsiga C/rasaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi X. Cali Xasan iyo Agaasimaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Amina Maxamuud Diiriye oo dhammaantood ku gubaabiyay Qurbajoogga inay dalka maalgashadaan.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah madaxda xukuumadda iyo masuuliyiinta ka sokow waxa ka soo qayb galay inka badan 200 qof oo Qurba-joogga shirka loo qabtay ee Somaliland ah kuwaasoo kala socday jaalliyadaha Somaliland ee dalal badan oo caalamka ah kana midyihiin Sweden, Norway, UK, USA, Netherland, Canada, Germany, Finland, France, Australia, UAE, Kuwait, Ghadar, Saudi Arabia, South Africa, Ethiopia, Djibouti iyo wadamo kale. Hay’adaha IOM, DAI (USAID), UONPS iyo hay’ado samofal wadani ah iyo saxaafadda madaxa bannaan ayaa iyaguna ka soo qaybgalay shirka.
Ujeedada shirka sannadka ama halku dhegga loo asteeyay shirkan ayaa ahaa maalgashiga jaalliyadaha Somaliland ee dalka, kadib furitaankii shirka la guda galay barmaamijka maalinta koowaad ee shirka. Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska iyo Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa ku soo bandhigay madasha fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, shuruucda dhaqaalaha iyo maalgashiga ee dejisan, shuruucda dhaqaalaha iyo maalgashiga ee ee maqan una baahan in la dhamaystiro, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga iska kaashataan. Sidoo kale, Wasaaradda iyo Rugta Ganacsigu waxay u faahfaahiyeen Qurbajoogga Somaliland madaadiida, himilooyinka iyo ujeedooyinka waxqabad ee ee ay qaranka ugu igmanyihiin.
Sidoo kale, waxay ku soo bandhigtay Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu xogta tamarta dalka ay ka hayso iyo arrmaha la xidhiidha. Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Inj. Suleemaan. Agaasimaha ayay aad ugu bogeen ka soo qaybgalaashi shirku bandhigii uu sameeyay iyo waliba hadallo duur xul ah oo ku canaantay Qurba-joogga inay hilmaansanyihiin ka faaiidaysiga khayraadka dalka ee dihin iyo inay dadkooda uga faaiideeyaan. Agaasimuhu wuxuu tilmaamay inay diyaar yihiin xogtii iyo daraasadkii laga sameeyay tamarta dhuxusha iyo dabaysha iyo mashaariic diyaar u ah cidddii maalgashanaysa oo aanay ku kacayn dhaqaale badan, lagana faaiideeyo waxbadan.
Qaybihii dambe ee shirka, waxa loo qaybiyay ka soo qaybgalayaasha shirka foom lagu ururinayo xogta arrimaha khuseeya ganacsiga iyo maalgashiga dalka si loo diyaariyo hab macluumaad la xidhiidha arrimaha maalgashiga oo la raaco (Somaliland investment guide and Somaliland business confidence index) iyo waliba in wax laga ogaado kalsoonida bulshada, caqabaaha ay Qurbajooggu kala kulmaan maalshiga dalka, sida arrimaha maalgashiga iyo adeegga guud ee horumarka u baahani mudnaanta u kala leeyihiin iwm. Hay’adaha DAI (USAID) iyo IOM oo labaduba ka qaybqaatay hirgelinta shirkan ayaa si faahfaahsan ugu soo bandhigay waxqabadka hay’adahooda kana jawaabay su’aalo ay Qurbajooggu waydiiyeen.
Shirkadaha Dahabshil iyo SBI ayaa isla maanta shirka ku soo bandhigay xogo iyo barmaamijyo ka hadlaya sooyaalka taariikheed iyo waxsoosaarka shirkadahooda. Dahabshiil wuxuu si gaar ah uga hadlay doorka Qurbajoogga Somaliland iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa shirkadooda.
La soco maalinta labaad ee shirka iyo natiijada laga filayo
Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL
Head Office, Hargeisa
Xasan Faarax Qamaan
Reporter
Email: xasan620@hotmail.com