Shir Sadex biloodle ah oo ay isugu Yimaadeen Wasaarada Caafimaadka iyo Hay’adaha ay Wada Shaqayntu ka Dhaxayso
Hargaysa 10.June (SDN) Kulan ay saddexdii biloodba mar isugu yimaadaan wasaarada caafimaadka iyo hay’adaha shaqo wadaagta ay leeyihiin ayaa maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka Cabdi axmed Nuur oo kulan howleedkan furay ayaa tilmaamay in kulankani yahay mid muhiim ah,oo dulucdiisu tahay sidii loo samayn lahaa dood wadaag iyo in la wada falan qeeyo arimaha caafimaadka .
Agaasimaha Guud waxa kale oo uu sheegay in kulankani uu ku soo beeg-may waqti ay wasaarada caafimaadka iyo hay’adaha la shaqeeyaa ay wada jir ugu howl-galeen qorshe is-tiraatiijiya oo shan sanadood ah oo hadda la bilaabay guda galkiisa.
Waxa kale oo agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku Mud, Axmed Cabdi Nuur tilmaamay in la meelmariyay siyaasadda Caafimaadka Qaranka dibna loo dhaqaajiyay Xeerka mihnad-layaasha caafimaadka,.
Waxa kale oo uu Agaasimaha Guud sheegay ,in kulankani uu fursad muhiim ah u yahay isla jaan qaadka hawlaha caafimaadka Guud ahaan.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadashay Madaxa hay’adda caafimaadka aduunka WHO Marwo Aasiya Cismaan Axmed waxaanay ka qayb galayaasha u soo jeedisay in mudada labada maalmood ah ee kulanku socdo ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan macluumaadka ay qaadanayaan, isla markaasina kulankoodan ay ka soo saaraan macluumaad wax tari kara istiraatijiyadda caafimaadka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com