|

’Shir qaran ma jiro, siday maxkammadu go’aamisay ayaanu qaadanaynaa, waana shirkii awalba shiri jirnay labadayada xisbi” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa,25july,2015(QJ/SDN)-Shirkii wada-tashiga axsaabta mucaaridka Somaliland ayaa waxa uu manta ka furmay magaalada hargeysa hutel dalxiis, iyadoo ay kasoo qayb-galeen gudoomiyayaasha xisibiyad mucaaaridka ahi. Eng Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Cabdirraxmaan Cirro Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Hadaba shirkan oo la sheegay in uu socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxa halkaasi waraabinta kula hadlay gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye faysal ayaa u sheegay in qorshihii shirka wax laga badalay, go’aankii maxkamadda sarena ay u hoggaansami doonaan. Shirkani shir beeleed maaha ee waa shir maslaxadda ummaada reer Somaliland ah, fikradda anaa keenay 2013kii, waxaana u keenay qabyo badan oo dalkeena u taala markaa anigu waxaan jeclaa in uu shirku noqdo shir qaran oo dowladdu gogasha sammeyso dhibaatooyinka inna horyaala aynu ka wada hadalno dowladdii sas bay ka qaaday’’ ayuu yidhi gudoomiye faysal.

Gudoomiye faysal waxa kale oo uu sheegay in ay ixtiraamayaan go’aankii maxkamadda, waxaana uu yidhi isagoo arrintaasi ka hadlaya, ‘’Maxkamdda go’aankeeda waanu ixtiraamaynaa, laakiin labadayada xisbi waxaanu iskugu nimi imika in aanu xaaladda dalka qiimeeyno, gees kastaba ha, nabad galyada, doorashooyinka, waddahadaladda Somaliland iyo soomaaliya….’’

Geeska kale gudoomiye faysal cali waraabe ayaa meesha ka saaray in aanu jirin wax shir qaran la yidhaahdaa, ee shir wada tashi ah oo labada xisbi ah ay qabsan doonaan ‘’Shir qaran ma jiro, siday maxkammadu go’aamisay ayaanu qaadanaynaa, waana shirkii awalba shiri jirnay labadayada xusbi, kii uun baanan imikana ajande u sammeynaynaa…’’ ayuu yidhi Gudoomiye Faysal

Ugu danbeyntii gudoomiye faysal cali waraabe ayaa sheegay in wixii la isku afgarto ee kasoo baxa shirka ay u gudbin doonaan madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, waxaana la filayaa in labada cisho ee soo socota uu shirku socdo.

Comments are closed