Shir Nabad Lagaga Dhexraadinayo Beelaha Qorilugud Iyo Buuhoodle Oo Maanta La Filayo Inuu Ka Furmo Deegaanka Coodanle
Coodanle:May,26,2015(SDN/QJ)-Shir-nabadeed muddo dheer abaabulkiisu socday oo la doonayo in nabad lagu kala dhex dhigo Beelaha Deegaanada Qorilugudu iyo Buuhoodle, ayaa la filayaa inuu Maanta ka furmo deegaanka Coodanle oo qiyaastii 50-Km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Buuhoodle.
Shirkan oo ay qorshihiisa ku hawllan yihiin Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka Deegaanadaas Colaaddu ka jirto, waxana Maalintii shalay soo gaadhay Magaalada Coodanle ugu yaraan 120 kamid ah Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka Deegaanka Buuhoodle, kuwaas oo kasoo kicitimay Deegaanno ku xeeran Buuhoodle.
Shirkan ayaa la filayaa inuu Maanta furmo, waxana labada dhinacba muujiyeen inay si weyn uga go’an tahay unkidda Nabad dhidibo adag ku taagan oo mustaqbalka dambe loo aayo.
Shacabka ayaa muujiyey inay si weyn xiiso ugu qabaan In nabad la abuuro, isla-markaana laga gudbo jawiga colaadeed ee Halkaas mudada ka jirey.
Qabanqaabiyayaasha Shirkaas oo iyagu ah Beesha Deegaanku shirku ka dhacayo, ayaa sheegay inaanay wax ciidan ah iyo gacan dawladeed midna u baahnayn, isla-markaana Salaadiinta iyo cuqaashu ku filan yihiin inay jawiga haatan jira mid ka duwan abuuri karaan.
Colaad labadan Beelood ee Walaalaha ah ka dhex abuurantay muddo Shan sano ka hor ah, ayaa waxa ay keentay dhimashada iyo dhaawaca Boqolaal qof oo labada dhinac kasoo jeeda, kuwaas oo ilaa iyo haatan si gaade ah isku abbaara.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com